4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 1 , 2013
Dowladda Kenya oo beenisay in ciidamadeeda ku sugan Kismaayo ay gacan siiyeen mid ka mid ah dhinac dagaalamay


Isniin, July 01, 2013 (HOL) — Afhayeenka ciidamada Kenya, Col. Cyrus Oguna ayaa sheegay isagoo ku sugan Nairobi in ciidamadooda qaybta ka ah howgalka Midowga Afrika ee ku sugan Kismaayo ay la safteen dhinac ka mid ah dhinacyadii ku dagaalamay Kismaayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay ciidamada Kenya ee Kismaayo ku sugan inay la safteen dhinac ka mid ah dhinacyadii ku dagaalamay degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, ayna ka qaybgaleen dagaalkii ka dhacay magaaladaas.

“Ciidamada milateriga Kenya ee ku sugan Soomaaliya waxay qayb ka yihiin howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waxayna AMISOM halkaas ku joogtaa codsi uga yimid dowladda dhexe ee Soomaaliya, sidaa daraadeedna ma jirto cid gaar ah oo ay AMISOM la safanayso, ciidamadeenuna waa kuwo la mid ah AMISOM waana dhexdhexaad,” ayuu yiri Col. Oguna oo u warramayay laanta afka Soomaaliga  ee idaacadda Mareykanka VOA.

Afhayeenku wuxuu sidoo kale sheegay in waajibka ciidamada AMISOM ay ku joogaan Soomaaliya uu yahay inay caawiyaan dowladda Soomaaliya, mana dhacayso inay cid kale caawiyaan.

Isgoo ka jawaabayay eedeynta ay dowladda Somalia u soo jeedisay ciidanka Kenya oo ahayd inay xireen abaanduulihii ciidamada Somalia ee gobollada Jubbooyinka ayuu sheegay in ciidamada Kenya aysan xirin Col. Cabbaas oo ahaa abaanduulaha ciidamada Soomaalida ee Jubbooyinka.

“Col. Cabbaas waxaa loo fududeeyay in laga soo qaado Kismaayo diyaarad ayaana halkaas kasoo qaadday, wuxuuna saacado joogay Dhooblay kaddib markii ay cilladowday diyaaraddii wadday. Hadda wuxuu ku sugan yahay deegaanka Buusaar wuxuuna la joogaa ciidamadiisii,” ayuu yiri Col. Oguna.

Dowladda Soomaaliya ayaa dalbatay in ciidamada Kenya laga bedelay halka ay ku sugan yihiin ee Kismaayo lana geeyo ciidammo kale oo ka socda dalal Afrikaan ah, balse afhayeenku wax jawaab ah kama bixin hadalkaas kasoo yeeray dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ee ku sugan gobollada Jubbooyinka, gaar ahaan Kismaayo waxaa dhowr jeer oo hore loosoo jeediyay eedeymo kala duwan oo ku saabsan inay la safteen dhinacyadii ku dagaalamay magaalada Kismaayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya