4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 1 , 2013
Ergayga Midowga Afrika ee Somalia oo hambalyo ku aaddan 01-da Luuliyo u diray Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya


Isniin, July 01, 2013 (HOL) — Egayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, dajire Maxamed Saalax Aanaadiif ayaa hambalyo ku aaddan maalinta xorriyadda Soomaaliya ee 01-da Luuliyo u diray shacabka Soomaaliyeed iyo dowaldda.

Midowga Afirka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ciidammo ka socda dhowr dal oo Afrikaa ah, kuwaasoo ku howlgala magaca AMISOM, waxayna gacan ka siiyaan dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto Al-shabaab, iyagoo ku sugan deegaanno dalka ka mid ah oo ay ku jirto Muqdisho

“Dabaaldaggan maanta ee 53-sano guuradii kasoo wareegtay markii ay ka xorowday Soomaaliya gurmeysigii Talyaaniga, waa taariikh muujinaysa in dib u dhalashada Soomnaaliya oo ku dhisan cadaalad iyo isku-duubnida bulshada,” ayuu yiri dajire Anaadiif.

Wakiilku wuxuu sheegay in Soomaaliya markii ay xorriyaddeeda qaadatay ay dadaal u gashay sidii dalal badan oo Afrikaan ah ay xorriyadooda u qaadan lahaayeen, waxayna ka mid ahayd dalalkii aasaasay ururkii Midnimada Afrika oo loo bedelay Midowga Afrika.

Sidoo kale, danjiruhu wuxuu sheegay in dabaal-daggan ama xuskan uu kusoo beegmay xilli Soomaaliya ay sameysay horumarro dhinaca siyaasadda iyo ammaanka ah, kaddib in ka badan laabatan sano oo ay colaado iyo fowdo socotay.

“Dadka Soomaaliyeed waxay dadaal dheer u galeen sidii dalkooda oo nabad ah u arki lahaayeen, iyagoo ka hortagay wax walba oo caqabado ah. Taasna waxaa caddeyn u ah horumarka ay Somalia ku tallaabsatay waana mid aan dhiirrigelinayno,” ayuu danjiruhu mar kale yiri.

Ugu dambeyn, ergaygu wuxuu sheegay in AMISOM ay diyaar u tahay inay sii wado ballanqaadyadii ahaa inay qayb weyn ka qaadato xasilinta Soomaaliya, isagoo shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay qaybtooda ka qaataan sidii dalkooda uu u noqon lahaa mid daggan.

Soomaaliya oo ka kooban gobollada Koonfureed oo xorriyadooda ka qaatay gumeysigii Talyaaniga 01-dii Luuliyo 1960-kii iyo gobollada Waqooyi oo ka qaatay xorriyadooda Ingiriiska 26-ka Juun 1960-kii ayaa waxay muddo 22-sano ah ku jirtay colaado, inkastoo hadda ay ku socoto waddadii ay kaga bixi lahayd xilligaas madow.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya