4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 1 , 2013
Bannaanbax looga hor-jeeday xariga Shiikh Xasan Daahir Aweys oo Maanta ka dhacay Qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho

Isniin, July 01, 2013 (HOL) — Dibadbax ay ka qaybgaleyeen dadweyne isugu jira haween, caruur iyo dhallinyaro loogana soo horjeedo xariga Sheekh Xasan Daahir iyo xubno la socday oo dowladda Soomaaliya u xiran ayaa maanta ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Bannaanbaxayaasha ayaa gubay taayarro iyagoo sidoo kalena dhagaxaan ku tuurayay goobaha ganacsiga, waxaana intii uu dibadbaxa socday istaagay isku socodka dadka iyo gaadiidka qaybo ka mid ah Muqdisho.

“Xasan Daahir waxaa gacanta loo geliyay dowladda Mareykanka, waana mid aan aad uga xunnahay, dowladda Soomaaliya waxaan ugu baaqay inay sii dayso xubnaha u xirxiran,” ayaa ka mid ahaa erayada ay ku dhawaaqayeen dadka dibadbaxa dhigaya.

Dibadbaxyadan ayaa waxay ka dhaceen inta u dhexeysa isgoysada Banaadir iyo Zope iyo isgoyska Tarabuunka, mana jirin wax ciidamo ah oo jawaab ka bixiyay dibadbaxaas am aka hortagay.

Sidoo kale, dadka dibadbaxa dhigayay ayaa waxay ku qaylinayeen rayo ay kaga soo horjeedaan dowladda Soomaaliya, mana jirto cid sheegatay inay ka dambeysay abaabulka dibadbaxa oo noqnoaya kii ugu horreeyay Muqdisho laga sameeyo tan iyo markii Xasan Daahir iyo xubno la socday la xiray habeen hore.

Shalay oo Axad ahayd ayaa waxaa Muqdisho ka dhacay kulan ay yeesheen xubnihii Sheekh Xasan Daahir iyo taageerayaashiisa kasoo waday degmaada Cadaado ee gobolka Galguduud, keenayna Muqdisho, iyadoo markiiba ay la wareegeen ciidamada nabadsugidda Qaranka oo xabsiga dhigay.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay mowqifkeeda ku aaddan Xiridda Sheekh Xasan Daahir oo kasoo goostay Al-shabaab iyo xubno la socday oo weli ku xiran Muqdisho, waxaana afhayeenka madaxweynaha uu sheegay in dowladdu ay u baahan tahay fursad ay kaga baaraan-dagto sida laga yeelayo hoggaamiyahan iyo xubnaha la socda.

Mas’uuliyiinta dowladda iyo kuwa hay’adaha ammaanka ayaan weli ka hadlin sida ay u arkaan dibadbaxa, waxaana dibadbaxa uu si iskiis ah u joogsaday barqonimadii maanta, iyadoo dib ay furmeen goobihii ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya