4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 1 , 2013
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeya Munaasabadda 01-da Luuliyo


Isniin, July 01, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dalka Mareykanka, Barack Obama oo safar shaqo ku maraya dalal ka tirsan Qaaradda Afrika ayaa u soo diiray shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda hambalyo ku aaddan 01-da Luuliyo oo ah maalintii ay Soomaaliya ka xorowday gumeystihii Talyaaniga.

Soomaaliya ayaa waxaa xalay iyo maanta looga dabbaaldagayaan 53-sano guuradii kasoo wareegtay markii ay xoroobeen gobollada Koonfureed ee Somalia iyo midowgii labada gobol ee Koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya.

“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca shacabka Mareykanka waxaan hambalyo ku aaddan 01-da Luuliyo u dirayaa shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda uu madaxda ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud,” ayuu Obama ku yiri qoraal uu soo diray maanta.

Sidoo kale Obama wuxuu qoraalkiisa hambalyada ah ku yiri: “Somalia waxay sannadkii lasoo dhaafay ku tallaabsatay horumar weyn, innaguma gacan weyn ayaa ka geysanay sidii deggenaasho ay ku heli lahayd.”

Ugu dambeyn madaxweynaha Mareykanka wuxuu qoraalkiisa kusoo xiray in Mareykanka uu sii wadi doono xiriirka saxiibtinimo kaalmada uu Soomaaliya siiyo, sidii ay u ku gaari lahayd dimuqraadiyad, ammaan iyo nabad buuxda.

Dowladda Mareykanka ayaa waxay sannadkii hore si rasmi ah u aqoonsatay dowladda Soomaaliya kaddib 22-sano oo uu xiriirka Mareykanka iyo Somalia meesha ka maqnaa, taasoo keentay in dowlado badan oo dunida ka tirsan ay iyaguna ku dhawaaqaan inay xiriirkii Soomaaliya dib u soo celiyeen.

Munaasabaddan 01-da Luuliyo ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo ay dalka ka jirto dowlad rasmi ah kaddib 1991-kii markaasoo ay Soomaaliya ka dhaceen dagaallo sokeeye.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya