4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 8 , 2013
Guddiga Cadaaladda Somaliland oo is-bedello ku sameeyay Garsoorayaasha Maxkamadaha Gobollada Qaarkood

Talaado, Jannaayo 08, 2013 (HOL) — Guddiga cadaalladda Somaliland ayaa isku shaan-dheyn ballaaran ku sameeyay guddoomiyeyaasha maxkamaddaha goboladda Somailland qaarkood.

Goboladda isku shaandheynta lagu sameeyey waxa ka mid ah Gobolka Maroodi jeex, Awdal, Saaxil iyo Gabiley, kuwaas oo isku bedel lagu sameeeyey, Sidaasna waxa lagu sheegay wareegta ka soo baxday xafiiska Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka Somaliland, Md: Xuseen Axmed Caydiid.

1.Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan Guddoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex waxa laga dhigay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Saaxil.

2. Gudddomiyihii rafcaanka Saaxil Cali Suudi laga dhigay Garsoore Maxkamadda rafcaanka Hargeysa.

3.Guddoomiyihii maxkamadda degmadda Hargeysa Cabdirashiid Beer-geel waxa la geeyay gudoomiyaha maxkamadda degmadda Gabilay.

4. Gudoomiyaha Maxmadda degmadda Hargeysa, waxa loo magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Mawliid.
5.
Guddoomiyihii maxkamadda gobolka gobolka Gabilay Feysal Cabdilaahi Daga-dago waxa la keenay Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodi-jeex.

6. Guddoomiyihii maxkamadda Gobolka Maroodi jeex Cabdirashiid Duraan waxa laga dhigay guddoomiyaha Maxkamada Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex.

7. Guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Saaxil Ibraahim Aadan Yaasiin waxa la geeyay Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Awdal.

8. Guddoomihii Maxkamadda gobolka Awdal waxa la geeyay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Saaxil.

Isku bedelkan ayaa lagu wadaa inay wax ka tarto cadaaladda Somaliland oo si weyn looga dayrinayey, isla markaana dhibaato badan ka taagan tahay oo dadweynaha Somaliland si weyn u dhaliilaan cadaaladda, isagoo hore madaxweynuhu sheegay in loo baahan yahay in cadaaladda Somaliland wax laga qabto, isla markaana guddi u saaray ka soo tallo bixisa qaabka wax looga qabanayo, haseyeeshee ilaa hadda wax isbedel ah oo aan hadal ahayn ma jirto, walina waa la tabayaa in cadaaladda wax laga qabto, maadaama oo ah arrin dadweynuhu baahi weyn u qabaan.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland