4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 8 , 2013
Haweenka ku jira Xeryaha Barakacyaasha Muqdisho oo ka cabanaya Kufsi ay u geystaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya


Talaado, Jannaayo 08, 2013 (HOL) — Iyadoo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu dhawaan sheegay in askarigii kufsi lagu helo uu xukunkiisu noqonayo dil toogasho; ayaa haddana haweenka ku jira xeryaha barakacayaasha ee Muqdisho ku yaalla waxay ka cabanayaan kufsi ay u geystaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dad xiran dharka ciidamada.

Nuuro Xirsi oo 27-jir ah waxay sheegtay in 29-kii bishii December ee lasoo dhaafay ay xilli habeen ah kufsadeen toddoba askari oo hubeysan, kuwaas oo ay sheegtay inay ugu soo dhaceen guri cooshado ka sameysan oo ku yaalla xero ku taalla Tarabuunka oo ka tisran degmada Hodan.

“Waxay ahayd 1:00 habeennimo, caruurteydu way jiifeen markii ay toddoba nin oo hubeysan ay guriga iigu soo dhaceen dabadeedna ay si xun ii kufsadeen,” ayay Nuuro u sheegtay Telefishinka Al-Jazeera oo ay wareysi siisay.

“Askartu qaarkood waxay ku hubeysnaayeen qoryaha AK-47. Dharbaaxo ayay igu dhufteen waxayna igu amreen inaan guriga dibadda uga baxo, kaddibna way i kursadeen. Wax walba oo ay awoodi kareen ayay igu sameeyeen. Lama aanan dagaalami Karin ama iskama difaaci Karin. Sideen ula dagaalami karaan toddoba qof oo hubeysan,” ayay hadalkeeda raacisay.

Haweeneydan dhibanaha ah waxay sheegtay inaysan jirin cid caawisay intii la kufsanayay. “Dadku way ka baqaan inay guryahooda kasoo baxa xilliga habeenkii ah si ay u arkaan waxa dhacaya. Qof walba waa baqayay, waayo waxay doonayaan inay noolaadaan.”

“Markii ay iga tageen raggii i kufsanayay, waan iska ooyay  Waaberigii ayaan isbitaal aaday waxaana la iga soo siiyay dawooyin, umana aanan sheegin wax walba oo igu dhacay. Waayo waa Soomaali mana doonayo inay dadku i ogaadaan,” ayay hadalkeeda raacisay.

Nuuro waxay sheegtay inay tagtay saldhig booliis balse aan waxba laga qaban dhibaatadii loo geystay. “Muqdisho dadka waa la dilaa aniguna ma aanan dhiman. Kufsigana wax weyn looma arko, xirtaa cidna looma xiro. Dadka ku nool kaamamka barakacayaasha ma ahan kuwo la xiiseeyo, ma aqbalayo wax walba oo aan ku iraahdo, xitaa haddii aan warbaahinta ka hadlo la ima maqlayo.”

Fartuun Cabdisalaam Aadan oo ka mid ah aasaasayaashii ururka gabahaha walaalaha Soomaaliyeed oo la aasaasay sannadkii 2010 ayaa u sheegay Al-jazeera inaan la inkiri karin in kufsigu uu ka dhaco Muqdisho, iyadoo xustay in weli uu meesha ka maqan yahay sharcigii wax looga qaban lahaa arrintan foosha xun.

“Kufsigu weli waa dhibaato taagan, si kasta oo ay ahaataba, toddobaad walba waxaa xafiiskeenna yimaada in ka badan toddoba dhibbane oo lagula kacay kufsi,” ayay tiri Fartuun C/salaam oo intaas ku dartay: “Kaamamku kuma yaallaan guryo, buushashkuna ma lahan albaabbo. Ninka waqtiguu rabo ayuu soo geli karaa wuxuu doono ayuuna ka sameyn karaa,” ayay tiri Faruun C/salaam.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli waxba ka qaban dhibaatooyinka kufsiga ah ee lagula kaco haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku jira xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya