4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 8 , 2013
Maamulka Ahlusunna oo sheegay in ay guulo ka gaareen dagaallo ay gobolka Gedo kula galeen Al-shabaab

Talaado, Jannaayo 08, 2013 (HOL) —Maamulka culumaa’udiinka Ahlusunna Wal-jameeca  ee gobolka Gedo ayaa sheegay in dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay gobolkaasi ay ku guuleysteen in ay xoogagga Al-shabaab kala wareegaan dhul ballaaran oo ay uga sugnaayeen gobolkaasi.

Afhayeenka ururka Ahlusunna Waljameeca ee gobolka Gedo Max’ed Aadan (Cod-weeyne) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howl-gallo ballaaran oo ciidamadooda iyo kuwa dowladda ay ka fuliyeen wadooyinka isku xira magaalooyinka Garbahaareey, Luuq iyo beledxaawo ay ku guuleysteen in ay kula wareegaan fariisimo dhowr ah oo ay ku lahaayeen Al-shabaab.

Masuulkani ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen hub iyo rasaas ay lahaayeen xoogagga Al-shabaab, wuxuuna xusay in isu socodka wadooyinka isku xira magaalooyinka Garbahaareey, Luuq iyo Beledxaawo uu imika yahay mid wanaagsan islamarkaasina aysan ka jirin wax cabsi ah.

"Waxaa la qorsheynayaa isbuucan soo socdo meelah ay u kala jabeen in ay ciidamada ka daba galaan si gobolka dhamaantii looga sifeeyo. Ciidamadana hada dhammaan waxay wada tageen Garbahaareey, waxaana la qorsheynayaa qaabkii kale oo lagu geli lahaa meelaha kala duwan oo nimankii ay weli ku dhimanyihiin,”ayuu masuulkani hadalkiisii raaciyay.

Ciidamada dowladda, Ahlusunna iyo kuwa Itoobiya ayaa mudooyinkii u danbeeyay dhaqdhaqaaqyo xooggan ka waday qeybo katirsan gobolka Gedo, iyadoona dhawaan dagaallo culus ay nawaaxiga degmada Garbahaareey ku dhexmareen ciidamada iskaashanaya iyo Al-shabaab.

Dhinaca kale saraakiil u hadashay Al-shabaab ayaa iyaguna sheegtay in ay guulo la taaban karo ka gaareen dagaalladii ay gobolkaasi kula galeen ciidamada isbaheysiga ah, waxayna sheegeen in ay u geysteen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac islamarkaasina ay kula wareegeen hub iyo gaadiid.

Saraakiisha hogaamineysa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlusunna ayaa sheegay in ay socon doonaan howlgallada ilaa ay gacanta uga dhigayaan degmooyinka Buurdhuubo iyo Baardheere oo ay maamulaan xoogagga Xarakada Al-shabaab.

Xiisadahani dagaal ee kasoo cusboonaaday gobolka Gedo ayaa wel-wel ku abuuray dadka rayidka ah ee ku dhaqan gobolka, kuwaasoo ay saameyn ballaaran ku reebtay abaarihii sanadii aynu kasoo gudubnay ku dhuftay dalka Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya