4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 7 , 2013
Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia oo yeeshay shir ay uga hadleen arrimo ay ugu horreeyaan ammaanka

Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah yeeshay shir ay uga hadleen arrimo ay ka mid yihiin ammaanka iyo horumarka ay ciidamada dowladdu sameeyeen, iyadoo shirkii maanta uu shir-guddoominayay ra’iisul wasaaraha Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta, Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo warbaahinta la hadlay markii lasoo gebagabeeyay shirka ayaa sheegay in laga warbixiyay howlgallo ay ciidamada dowladdu ka wadaan gobollada Gedo iyo Jubbooyinka, isagoo xusay in ciidamada dowladda ay deegaanno cuusb la wareegeen.

“Goluhu wuxuu guddi u saaray sidii bulshada Soomaaliyeed loogu soo gudbin lahaa wax-qadka xukuumadda 100-ka maalmood oo ay muddada kooban ka harsan tahay. Waxaana guddigan ay ka kooban yihiin shan wasiir iyo saddex xubnood oo ka socda xafiiska ra’iisul wasaaraha,” ayuu wasiirku ku sheegay warka uu saxaafadda siiyay.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in laga dooday soo-jeedin ka timid urur goboleedka IGAD kaasoo looga dalbaday dowladda inay soo gudbiso qorshe ku saabsan dhisme laba jid oo ka mid ah jidadka gala dalalka dariska la ah Soomaaliya, taasoo dhaqaalaha ku baxaya ay ku tabarucday si uu u fududaado isku-socodka dalalka ku bahoobay ururka goboleedka IGAD, sida Itoobiya, Kenya, Jabuuti

Ugu dambeyn, golaha wasiirrada ayaa isku raacay in la sameeyo ciidamada sida deg-degga u howlgala; ugana jawaaba dhacdooyinka amni xumo ee ka dhaca magaalada Muqdisho, kuwaasoo loogu talagalay inay hawlgallaan marka lasoo gaarsiiyo digniino ku aadan arrimaha nabad-galyada, sidoo kalena dadka Muqdisho ku nool loo sameeyo telefoonno ay soo garaacaan marka ay arkaan wixii halis ku ah nabad-galyada.

Wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa toddobaadkii laba jeer kulammo ku yeeshay magaalado Muqdisho, kuwaasoo ay uga hadlaan hadba wixii ugu dambeeyay ee dalka ka dhaca, iyadoo golaha wasiirrada ay tan iyo markii la magacaabay dar-dar u wadaan howlahooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya