4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 7 , 2013
JEN. CABDI QAYBDIID: "Waxaa billowday Qorshe lagu mideynayo Maamullada ka jira Gobollada dhexe ee Soomaaliya"

Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Galmudug, Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qaydiid) ayaa sheegay inuu billowday qorshe lagu mideynayo guud ahaan maamullada ka jira gobollada dhexe ee Soomaaliya, isagoo sheegay in kulan u socday Ahlusunna iyo Galmudug maanta oo Isniin ah lasoo gabagabeynayo.

Jen. Qaydiid ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid looga gudbayo colaadaha iyo kala qoqobnaanta ka jirta deegaannada ku yaalla gobollada dhexe, inkastoo uusan sheegin maamullada ku midoobaya maamulka cusub oo la sameeyo.

"Waxaa socda kulammo looga hadlayay sidii lagu mideyn lahaa maamullada ka jira gobollada dhexe ee Soomaaliya, innaguna waan soo dhaweynaynaa cid walba oo kasoo qaybgalaysa," ayuu yiri Jen. Qaybdiid oo u warramayay BBC-da laanteeda afka Soomaaliga.

Madaxweynuhu wuxuu hadalkiisa ku daray in xarunta Galmudug ay ku sugan yihiin xubno ka socda Ahlusunna Waljamaaca, ayna wadahadallo u socday labadii casho ee lasoo dhaafay ay soo gabagabeynayaan maanta oo Isniin ah.

"Qorshahan waa mid la doonayo in lagu mideeyo maamullada gobollada dhexe loogana gudbo colaadaha iyo kala xirxirnaanta ka jirta gobolladan," ayuu yiri Jen. Cabdi Qaybdiid oo sheegay in qorshuhu uu yahay mid billow ah gabgabeyntiisuna ay qaadan doonto muddo uusan cayimin.

Dhanka kale, ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa iyaguna soo dhaweeyay qorshaha la doonayo in lagu mideeyo mamullada ka jira gobollada dhexe ee Soomaaliya, iyadoo Ahlusunna ay sheegtay in qorshahan uu yahay mid wanaagsan oo ay rajo ka qabaan inuu guuleysto.

Guddoomiyaha saddexaad ee Ahlusunna, Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan (Guureeye) oo ka mid ah xubnaha Ahlusunna ee ku sugan Gaalkacyo ayaa sheegay in maamulka Galmudug ay is-fagarteen ayna sidoo kale ka rajeynayaan maamullada kale inay iyaguna qayb ka qaataan qorshahan.

Ma jiro hadal kasoo baxay maamulka Ximin iyo Xeeb oo ku saabsan qorshan socda ee lagu mideynayo maamullada ka jira gobollada dhexe ee Soomaaliya, iyadoo qorshahan uu noqonayo isku-daygii ugu horreeyay oo lagu mideynayo maamullada ka jira gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya