4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 6 , 2013
Dagaal Ciidamada Dowladda, kuwa Itoobiya iyo Al-shabaab ku dhexmaraya duleedka Degmada Garbahaarey

Axad, Jannaayo 06, 2013 (HOL) — Dagaal khasaare badan geystay oo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab ayaa ka qarxay deegaan lagu magacaabo May-kaareebay oo 20-km dhinaca waqooyi kaga began xarunta gobolka Gedo.

Inta la xaqiijiyay 20 ruux oo labada dhinac ah ayaa dagaalkaas ku dhintay, iyadoo dhaawucuna uu intaas ka badan yahay, waxaana wararka laga helayo gobolka Gedo ay sheegayaan in dagaalku uu si xooggan u socdo.

“Dagaalkan wuxuu daba socdaa dagaalkii shalay, waxaana weerarka qaaday ciidammo dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya,” ayaa saraakiil dowladda ka tirsan oo ku sugan gobolka Gedo laga soo xigtay.

Goobjoogayaal ku sugan gobolka Gedo ayaa u sheegay HOL in hubka labada dhinac ay isticmaalayaan laga maqlayo degmada Garbahaareey iyo goobaha ku dhow, iyadoo uu noqonayo dagaalkan kii ugu qaraaraa ee dhawaanahan gobolka Gedo ku dhexmara labada dhinac.

Al-shabaab ayaan weli ka hadlin dagaalka, balse wararka hoose ee la helayo ayaa sheegaya in dhinaca dowladda laga dilay siddeed askari, halka dhinaca Al-shabaab laga dilay 13 dagaalyahan.

Lama oga khasaaraha ciidamada Itoobiya kasoo gaaray dagaalka, waxaana jira warar intaas ka badinaya khasaaraha dhimasho ee dagaalka ka dhashay, iyadoo aysan jirin cid guulo ka gaartay dagaalka socda.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in dagaalkii shalay ay ku gubeen gadiid dagaal oo ay wateen ciidamada Itoobiya, waxayna sheegtay inay iska difaaci doonto weerar walba oo lagu soo qaado, halka ciidamada isbahaysanaya ay iyaguna doonayaan inay gobolka Gedo oo dhan qabsadaan.

Gobolka Gedo ayaa ah gobolka ay dagaallada ugu culus ku dhexmarayeen labadii sano ee ugu dambeeyay ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab oo gobolkaas kaga sugan laba degmo oo keliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya