4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 5 , 2013
Madaxweynaha Jabuuti oo weydiistay Eritrea inay sii dayso Maxaabiista ay Jabuuti kaga qabsatay dagaalkii 2008

Sabti, Jannaayo 05, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa weydiistay xukuumadda Eritrea ee ay dariska yihiin inay sii dayso maxaabiista Jabuutiyaanka ah ee ay ku qabsatay dagaalkii Jabuuti iyo Eritrea dhexmaray bishii Juun ee sannadkii 2008, sida lagu daabacay shabakadda wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.

Geelle oo hadal ka jeedinayay golaha ammaanka Qaramada Midoobay ee New York snnadkii hore ayaa mar kale ku celiyay in Eritrea ay sii dayso maxabiista ay ku qabsatay weerarkii ay Jabuuti kusoo qaadday shan sannadood ka hor.

“Waan u duceynaynaa maxaabiisteenna, waxaana rajeynaynaa inaan aragno iyagoo nool sannadkan 2013,” ayuu ku yiri Geelle hadal uu u jeediyay shacabka dalkiisa, isagoo xusay inaysan marnaba maskaxdooda ka bixayn maxaabiista Jabuutiyaanka ah ee lagu haysto Eritrea.

Sidoo kale, madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu hoosta ka xariiqay inay xusuusan doonaan mar walba askartii kaga shahiiday dagaalkaas, kuwaasoo uu xusay inay dhinteen iyagoo dalkooda ka difaacaya cadowga kusoo duulay.

“Dadaal badan ayaan ku bixinaynaa sidii riyadeennu ay run ku noqon lahayd, waxaana ku dadaalanaynaa sidii loo dhameyn lahaa khilaafka ka dhashay dagaalka Ras Dumayrah,” ayuu Geelle hadalkiisa ku daray.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Jabuuti ay ku celceilnayso sidii lagu sii dayn lahaa maxaabiista dagaalka ee ku dhibaateysan xabsiga Eritrea, isagoo sheegay in ay Eritrea inkirsan tahay maxaabiistaas dhibaatada ku dhacaysa.

Eritrea iyo Jabuuti ayaan weli heshiis dhab ah ku gaarin dagaalkii dhexmaray oo salka ku hayay dhul ay labada dal mid walba sheeganayo, inkastoo ay jireen dadaallo ay dowladda Qatar ku dhex-dhexaadinaysay labada dal oo suurogeli waayay.

Dhanka kale, madaxweynaha Jabuuti wuxuu sheegay in mashaariic ka socota dalka Jabuuti ay dhawaan dhameystiri doonaan, kuwaasoo ay ka mid yihiin dhismaha dekedda Dooraale, dekedda Tojorra iyo heshiis ay Itoobiya iyo Jabuuti galeen kaasoo dhigaya in Itoobiya ay ka faa’iideysato dekedaha Jabuuti.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya