4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 5 , 2013
Taliska AMISOM oo sheegay in Sannadkii hore ee 2012 ay guulo waaweyn ka gaareen howgalkooda Soomaaliya

Sabti, Jannaayo 05, 2013 (HOL) — Taliska howgalka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in sannadkii hore ay guulo la taaban karo ka gaareen howgalladooda Soomaaliya, iyagoo sheegay inay xoojin doonaan howgalka ay kula jiraan Al-shabaab.

Jen. Andrew Gutti oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inay dhul ballaaran kaga qabsadeen Al-shabaab howalladii sannadkii hore dhacay, isagoo sheegay in AMISOM ay hadda ka howgalayso gobollo ku yaalla bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

“Howgalka AMISOM wuxuu galay wajigii lahaad oo ay isku ballaarinayaan iyo inay ciidamadooda gaarsiiyaan deegaanno ka fog Muqdisho,” ayuu yiri Jen. Gutti oo intaas ku daray in howgalladoodu ay socon doonaan.

Taliyaha Ciidamada Uganda ee qaybta ka ah AMISOM, Micheal Odongo ayaa isaguna sheegay in ciidamadooda ay hormuud u ahaayeen howgalladii looga qabsaday Al-shabaab deegaannada badan oo ay ka mid yihiin Jowhar iyo Marko.

“Ciidamada AMISOM waxay hadda gaareen deegaanno ka badan Muqdisho, runtiina howgalkeennu wuu ka duwan yahay kuwii sannadihii hore oo aan ku sugnayn oo keliya Muqdisho,” ayuu yiri taliyaha ciidamada Uganda ee ku sugan Muqdisho.

Sidoo kale, Maj. Henry Obbo oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya ayaa sheegay in sannadkii hore uu ahaa sannadkii guul-darrada ee Al-shabaab, wuxuuna xusay in AMISOM ay guulo waaweyn ka gaartay dagaalladii ay la gashay Al-shabaab.

Afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumud oo saxaafadda la hadlay ayaa isaguna sheegay in ciidamada AMISOM ay guulo ku tallaabsadeen sannadkii hore, ayna howgalkooda xoojin doonaan, isagoo dhallinyarada Al-shabaab ugu baaqay inay ka baxaan falalka ay ku jiraan.

“Waxaa jira dagaalyahanno Al-shabaab ka tirsanaan jiray oo isku soo dhiibay AMISOM, kuwaas waxay haystaan daryeel iyo waxbarasho, cid walba oo isku soo dhiibta ciidamadeenana waxay heli doontaa daryeen iyo waxbarasho,” ayuu yiri afhayeenka AMISOM.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya  oo tiradoodu tahay in ka badan 17,000 oo askari ayaa waxay sannadkii hore la wareegeen deegaanno ay ka talin jirtay Al-shabaab, kuwasoo ay ka mid yihiin, Afgooye, Balcad, Marko, Jowhar iyo Kismaayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya