4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 5 , 2013
Ciidamada Huwanta ah iyo Xoogag Taabacsan Al-shabaab oo ku dagaalamay duleedka Magaalada Kismaayo

Sabti, Jannaayo 05, 2013 (HOL) —Iska-horimaad xooggan ayaa xalay duleedka magaalada Kismaayo ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya ee qeybta ka ah AMISOM oo isku dhinac ah iyo xoogagga xarakada Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii dagaalyahanno katirsan Al-shabaab ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen saldhig ay ciidamada huwanta ah ku leeyihiin xarunta Jaamacadda Kismaayo oo dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo, waxaana labada dhinac halkaasi ku dhexmaray dagaal qaatay in ka badan hal saac.

Dagaalkan oo ahaa mid xooggan islamarkaasina rasaasta ay labada dhinac isweeydaarsanayaan laga maqlayay gudaha magaalada Kismaayo ayaa waxa uu socday in ka badan saacad, waxaana lagu soo waramayaa in uu sababay dhimashada afar qof oo dhinacyadii dagaalamayay ah.

Xiriirro aynu la sameynay masuuliyiin katirsan dhinacyadii uu dagaalka u dhexeeyay ayay ka gaabsadeen in ay faahfaahin ka bixiyaan dagaalka, waxaana adag in la ogaado khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, maadaama goobta lagu dagaalamayay ay ahayd meel ka baxsan magaalada.

Xoogagga Al-shabaab ayaa aalaaba weerarro gaadmo ah ka fuliya saldhigyada ciidamada huwanta ah ay ku leeyihiin gudaha iyo daafaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya