4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 5 , 2013
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo si wadajir ah howgallo uga wada Xaafadaha Magaalada Jowhar

Sabti, Jannaayo 05, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ayaa saakay howgallo ballaaran ka billaabay xaafadaha kkala duwan ee degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe.

Baaritaannadan ayaa la sheegay in ciidamadu ay ku raadinayaan xubno ay sheegeen inay ka tirsan yihiin Al-shabaab oo degmadaas ku sugan, sidoo kalena saraakiil u hadlay dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howgalkan lagu sugayo ammaank degmadaas.

Degmada Jowhar ayaa waxay ka mid tahay degmooyinkii ay sannadkii hore ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay kala wareegeen Al-shabaab, iyadoo dhawaan lagu soo bandhigay degmadaas dagaalyahanno kasoo goostay Al.shabaab.

“Xaafadaha degmada Jowhar oo dhan baaritanano ayaa ka socda, ciidamadu guryaha oo dhan way galayaan,” ayuu yiri goobjooge ku sugan Jowhar oo la hadlay HOL, isagoo intaas ku daray in dhaqdhaqaaqa degmada uu yahay mid aad u yar.

Goobjoogayaal ku sugan degmada ayaa sheegay in baaritaankan uu yahay midkii ugu ballaarnaa ee degmadaas ay ka sameeyeen ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika tan iyo markii ay la wareegeen bishii hore.

Saraakiisha hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa sheeegay in ay ku raadinayaan hub iyo xubno Al-shabaab ka tirsan oo si dhuumaaleysi ah ku jooga degmada, iyadoo Al-shabaab ay horay u sheegtay inay weerarro la beegsan doonto degmadaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya