4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 4 , 2013
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo soo bandhigay Badmaaxiin ku afduubnaa gudaha Soomaaliya Muddo Sannado ah


Jimco, Jannaayo 04, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa maanta saxaafadda u soo bandhigay saddex badmaaxe oo tan iyo dhammaadkii sannadkii 2010 afduub loogu haystay gudaha Soomaaliya, iyadoo ra’iisul wasaaruhu uu sheegay inaysan jirin wax madaxfurasho ah oo lagu soo daayay la-haystayaashan.

Saddex ruux oo laba ka mid ah ay u dhasheen dalka Siiriya ayaa lagu kala magacaabi jiray: Ibraahim Cabdalle Jowri oo ahaa kabtanka markab lagu magacaabo MV Orna iyo Axmed Cabdalla oo ahaa Injineerka markabka iyo qofka kale oo u dhashay dalka Sirilanka kaasoo ka mid ahaa shaqaalihii markabkan oo lagu magacaabo, Sarath Chandra Surajena.

“Halkan waxaa ka muuqda maanta saddex qof oo afduub loogu qabsaday xeebaha Soomaaliya 20-kii bishii December 2010, waxaana xukuumaddu ay ku guuleysatay in laga soo daayo kooxihii gacanta ku hayay,” ayuu ra’iisul wasaaruhu ka sheegay munaasabaddii lagu soo bandhigay badmaaxiinta la soo furtay.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in sii-daynta raggan ay ku timid dadaal dheeraad ah oo uu sameeyay wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed, iyadoo aan la sheegin goob lagu haystay badmaaxiintan lasoo furtay.


“Xukuumadda Soomaaliya sharaf weyn ayay u tahay inay la haystayaashan soo furato, waxayna muujinaysaa dadaalka aan ugu jirto sidii aan ajnabiga lagu haysto dalka oo dhan uga sii dayn lahayn gacanta kooxaha haysta,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Badmaaxiintan lasoo furtay oo iyaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in laga soo saaro gacanta kooxihii gacanta ku hayay waxayna sheegeen inaan dhibaato loo geysan intii afduubka loo haystay.

“Lama soo koobi karo farxad aan maanta dareemayo, waxaan afduubnaa mudo labo sano ah runtii aad ayaan u wel-weli jiray lakiin dadaalka ay dowladdu u gashay sii dayntayda waxaan oran karaa inay tahay mid i hilmaansiisay wixii dhib ahaa oo I soo maray, xataa burcad badeedii i haystay mudadaas waan iska cafiyay maanta madaama ay dowladda Soomaaliya si wanaagsan noosoo samata-bixisay,” ayuu yiri Sarath Surajena.

Lama sheegin markabkii badmaaxiintan lagu afduubtay inay weli haystaan afduubayaashii iyo in kale, waxaana tallaabadan ay kusoo beegmaysaa xilli ay ciidamada Puntland toddobaadkii hore xoog ku furteen markab afduub ahaan loo haystay muddo dheer iyo shaqaalihii la socday oo 22-ruux ahaa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya