4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 4 , 2013
Ganacsatada Soomaaliyeed ee Xaafadda Islii oo cabasho u gudbiyay wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Dowladda Kenya
Jimco, Jannaayo 04, 2013 (HOL) — Guddiga ganacsatada xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa dacwado ka dhan ah ciidamada ammaanka ee Kenya u gudbiyay xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan Kenya kaddib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Nairobi.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka gaashaandhigga Kenya, Maxamed Yuusuf Xaaji, wasiirka horumarinta gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, Maxamed Ibraahim Cilmi oo labaduba ka tirsan baarlamaanka Kenya iyo xildhibaannada kale ah: Aadan Barre Ducaale iyo Safiyo Cabdinuur.

Xaaji Abuukar Jimcaale oo u hadlay guddiga ganacsatada Soomaalida ah eek u nool magaalada Nairobi ayaa sheegay in howgallada ay kawadaan ciidamada ammaanka ee Kenya xaafadda Islii uu hoos u dhigay ganacsigooda, ayna ciidamadu galayaan goobaha ganacsiga iyagoo aan sharci u haysan.

Ganacsade ka mid ahaa guddiga ayaa isaguna sheegay in ciidamadu ay dadka Soomaalida ah beegsadaan, qofkii ay qabtaanna ay ka qaataan lacago sharci-darro ah, waxayna guddigu dalbadeen in arrintaas wax laga qabto.

Wasiirka gaashaandhigga Kenya, Yuusuf Xaaji ayaa ka dalbaday guddiga inay u soo gudbiyaan ciidamada dhibaatooyinka ku haya ganacsatada iyo shacabka Soomaalida ah ee ku nool Islii isagoo sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono.

Mudane Aadan barre oo isaguna kulanka ka hadlay ayaa sheegay inaysan xaq u lahayn dowladda Kenya inay dadka Soomaalida ah oo dhan tiraahdowaa inay dalka ka baxaan, wuxuuna xusay in cabashadooda ay u gudbin doonaan baarlamaanka Kenya si wax looga qabto.

Ugu dambeyn xildhibaanad Safiyo Cabdinuur ayaa iyaduna sheegtay in looga baahan yahay Kenya inay xushmeyso shuruucda qoxootiga dunida oo aysan ka saarin dalka Soomaalida oo dhan, waayo dadka Soomaaliyeed waxay wax ku leeyihiin dalka Kenya.

Cabashada ganacsatada ay u gudbiyeen wasiirrada iyo xildhibaannada ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli ay dowladda Kenya ku amartay Soomaalida inay xeryaha qoxootiga ku laabtaan, sidoo kalena ay ciidamada Kenya howgallo xooggan ka wadaan xaafadda Islii oo ay Soomaalidu degto.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya