4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 31, 2013
Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Somalia oo soo dhaweynaysay xiriirka cusub ee Dowladda Soomaaliya iyo Shiinaha
Khamiis, Jannaayo 31, 2013 (HOL) — Wasiiradda arrimaha dibadda Somalia, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa soo dhaweysay dib u soo laabashada xiriirka u dhexeeya dalalka Shiinaha iyo Soomaaliya, kaasoo soo billowday sannadihii lixdameeyada.

Fowziyo oo wareysi gaar ah siisay wakaaladda wararka ee Xinhua (Shinwaa) ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka hirgelisay Soomaaliya dhowr mashruuc oo ay ka mid yihiin; dhismaha isbitaallo, garoonka kubadda cagta ee Mogadishu Stadium iyo weliba waddada isku xirta gobollada Koonfureed iyo kuwa Waqooyi ee Soomaaliya.

“Shiinuhu wuxuu ahaa saaxiibka wanaagsan ee Soomaaliya tan iyo sannadkii 1960-kii. Markii Shiinaha la godoomiyay, waan caawinnay Shiinaha – waxaan dadaal u galnay sidii uu ugu biiri lahaa Qaramada Midoobay,” ayay tiri wasiiradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Wasiirradda oo hadalkeeda sii wadata ayaa tiri: “Shiinuhu wuxuu ka fuliyay Soomaaliya mashaariic  wanaagsan, haddana waxay rajeynayaan inay ka fuliyaan kuwaas oo kale. Waan u mahadcelinaynaa dowladda Shiinaha iyo shacabkooda.”

Sidoo kale, wasiirraddu waxay sheegtay in Somaaliya ay horay u socoto ayna caalamka uga baahan tahay inay ku caawinaad si dalka loo horumariyo labaatan sano oo colaado ah kaddib.

“Soomaaliya waxay ka guuraysaa colaadihii soo socotay muddada ka badan 20-ka sano, waxayna u guuraysaa dib u dhiska dalka iyo dhinaca horumarka,” ayay tiri wasiirradda.

Dowladda Soomaaliya ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo rasmi ah tan iyo sannadkii 1991-kii markasoo xukunka laga tuuray dowladdii milateriga ahayd, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanka lagu doortay Muqdisho markii ugu horreysay muddo 42-sano laga joogo.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno dowladda ka tirsan ayaa safarro ku maraya dalalka caalamka qaarkood iyagoo weydiisanaya taageero dhaqaale si dalka dib u dhis loogu sameeyo.

Wasiiraddu waxay sheegtay in xukuumadda Soomaaliya ay ku shaqeynayso lix tiir oo waaweyn, kuwaasoo ay qayb ka yihiin sugidda ammaanka, cadaaladda iyo weliba maareynta dhaqaalaha dalka.

“Madaxweynaheena iyo baarlamaankeenna waa kuwo ka shaqeynaya sidii dalkeennu uu caadi ku noqon lahaa. Waxaan la hadalnay beesha caalamka, waxaan socdaallo ku maraynaa dalal dunida ah si aan ugala hadalno lana wadaagno fikir ku aaddan sidii ay Soomaaliya taageero u siin lahaayeen,” ayay tiri Fowziyo Yuusuf Xaaji.

Iydoo hadalkeeda sii wadata ayay wasiirradu sheegtay in Soomaaliya ay ka jiraan xaalado adag oo wax ka qabasho u baahan, kuwaasoo ay ka mid yihiin: kobcinta dhaqaalaha, dib u dhiska waddooyinka, garoommada diyaaradaha, dekedaha iyo tamarta.

“Soomaaliya waa dal qani ah, wuxuu leeyahay wax-soo-saar dhinaca badda ah, xoolo nool, shidaal, gaas , macdan iyo beero. Waxaanu leennahay dhul beereed cabirkiisu yahay sideed milyan oo hiktar,” ayay tiri wasiiradda. Iyadoo intaas ku dartay inay jiraan dad badan oo Soomaaliyeed oo doonaya inay dalka maal-gashi ku sameystaan.

Dhanka kale, wasiiraddu waxay sheegtay in xaaladda ammaan ee dalka ka jirta xilligan ay sahashay inay dad badan dib ugu laabtaan dalka.

“Ugu yaraan 1,000 qof ayaa bil walba dib ugu laabta dalka. Kaddib markii ay dalal badan oo caalamka ku yaalla ay lasoo daristay xaalado dhaqaale oo khatar ah, dad badan oo Soomaaliyeed waxay go’aansadeen inay dib ugu soo laabtaan dalka oo ay maalgashi ku sameystaan,” ayay wasiiraddu u sheegtay Xinhua.

Ugu dambeyn, wasiiraddu waxay sheegtay in ciidamada AMISOM ay door wanaagsan ka qaateen sidii deggenaashaha dalka loosoo celin lahaa, mar uuna ayayna dalka ka baxayaan. Iyadoo xustay in bixitaankoodu uu ku xiran yahay marka la xoojiyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

“Soomaalida oo dhan waxay doonayaan in waqti aad u dhow ay soo laabato deggenaashaha dalka, qorshe cusubna la geliyo,” ayay wasiiraddu kusoo gabgabeysay hadalkeeda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya