3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 31, 2013
Shacabka Somaliland oo u qaadan la' Amni-daradda ay Dowladda Ingiriisku ku sheegtay inay ka jirto Somailand


Khamiis, Jannaayo 31, 2013 (HOL) — Dadweynaha Somaliland ayaa qaadan la’ warka ku saabsan amni-darrad ee kasoo baxay dowaldda ingiriiska ee ay shacabkeeda uga digtay in ay kasoo baxaan Somaliland, taasoo dadku badi is-waydiinayaan ujeeddada uu Ingiriisku ka leeyahay inuu ku sheego amn-daro Somaliland, hase yeeshe illaa hadda aanay helin jawaab ay ku qancaan.

Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ayaa shacab ka cadhaysan hadalkaasi Ingiriiska ka soo yeedhay maalmihii u dambeeyey ka dhigayey mudaharaaddo ay ku diidan yihiin arrintaasi, waxaanay caalamka u sheegayeen in dalka ay nabadgalyo buuxdaa ka jirto, isla markaaana aanay ahayn meel nabadgalyo daro lagu tilmaami karo.

Dadweynahan ayaa sitay boodhadh waaweyn oo ay ku xardhan yihiin fariin ay u dirayaan dawladda Ingiriiska oo ah in nabadgalyada Somaliland ay ku jirto gacanta shacabka iyo ciidanka amniga oo wada jira, hadalkaasina uu ahaa mid uu ku gefay, sidaa darteed uu sida ugu dhakhsiyaha badan uga noqdo dhowaqaas.


Isku soo baxan ayaa waxa uu ka dhacay magaaladda Hargeysa, Berbera, Balligubadle, Caynaba iyo Gabiley, halka maalmaha soo socdana magaalooyin kale ka dhici donaan, waxaany inta badan dadku si iskood ah isku soo abaabulayaan mudaharaadyadan, iyagoo si qiiro iyo wadaniyad ku jirto ugu dhowaaqayo erayo ay ku dhalliilayaan dawladda Ingiriiska oo ay kaga codsanayaan inuu go’aankaasi ka noqdo.

Dadweynahan ayaa ku kala duwan arrintan, waxaanay dadka qaar ku sheegayaan in aanay waxba ka jirin ee uu danno siyaasadeed iyo dhibaateen ka leeyahay ingiriska, halka qaar kalana ku sheegayaan in wax jira tahay oo aanay wax aan jirin dawlad wayni iskaga dhowaaqdeen, sidaa darteed loo baahan yahay in amniga la adkeeyo.

“Ingiriisku arrintan uu u jeeddo ilaa hadda ma fahmin waxa uu uga jeedo, laakiin waxaan u arkaa nolol u quudhi waa uu ka xun yahay in Somaliland nabadgalyo iyo horumar ka jirto, isla markaana uu doonayo inuu ka taliyo arriaha somaliland taas aanay suurtogaleen”ayuuu yidhi mid ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaaladda Hargeysa.


Mukhtaar Maxamed ayaa isna ku dooday in faa’iido ku jirto ka bixitaanka u Ingiriisku ka baxayo Somaliland oo hay’adan dalka joogaan waxba dalka u qaban ee ay lugoynayaan “Horta anigu faa’iiddo ayaan u arkaa ingiriiskan dalka ka baxaya, haddii ay hay’ada ajanabiga ah ee dalka joogaa ka baxaan waxaynu noqonayna dad isku filan, waxaana laga maarmayaa in hay’ad uun wax ka sugno, dadkii u shaqaynayeyna waxay maalgashanayaan dalka oo waxay ka baxayaan inay cid u shaqeeyaan oo iyagaa ganacsi samaysanaya marka faa’iido badan ayaa ka soo baxay bixitaanka hay’adaha ajanabiga ah”

“Anigu waxaan aaminsanahay in aanu Ingiriisku iska hadal ee ay wax jiraan, dareen uu arkayna uu uga digay shacabkiisa, maadaama oo masuul ka yahay ummaddiisa si aanay dhibaato usoo gaadhin, marka looma baahna buuq iyo rabash ee waa in aad ficil u badasho oo aad amnigaaga sugto kana hortagtaa waxa uu ingiriisku sheegay”ayuu yidhi Mawliid Maxamed oo aragtisiisa cabirayey.

Si kastaba ha ahaatee, dadweynahan ayaa aad uga cadhooday hadalkaasi, waxaanay qaarkood xukuumadda ku dhaliilayaan in si jilicsan uga jawaabtay arrintaasi, balse ay ahayd in si adag ula hadlaan dawladda ingiriiska maadaama oo  nabadgalyaddii ay Somaliland ku faani jirtay wax u dhimay.


Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland












Click here
1/31/2013 12:40 PM EST
Khamiis, Jannaayo 31, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka jawaabayay hadal uu Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku sheegay in aqoonsigii uu siiyay Mareykanka dowladda Soomaaliya aanu quseyn Somaliland.

1/31/2013 11:47 AM EST
Khamiis, Jannaayo 31, 2013 (HOL) — Hay’adda Qoxootiga Dunida ee UNHCR ayaa sheegtay in qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya ay doonayaan inay dib ugu laabataan dalkooda, kaddib labaatan sano oo ay xeryahaas ku jireen.

1/31/2013 10:15 AM EST
Khamiis, Jannaayo 31, 2013 (HOL) — Wasiiradda arrimaha dibadda Somalia, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa soo dhaweysay dib u soo laabashada xiriirka u dhexeeya dalalka Shiinaha iyo Soomaaliya, kaasoo soo billowday sannadihii lixdameeyada.

1/31/2013 9:07 AM EST
Khamiis, Jannaayo 31, 2013 (HOL) — Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay xeerka anshaxa ururada siyaasadda ee ka qayb-gelaya doorashada goleyaasha deegaanka ee Puntland.

1/31/2013 8:52 AM EST
Khamiis, Jannaayo 31, 2013 (HOL) — Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa shalay ka furmay shir-weynaha 1-aad ee urur-siyaasadeedka Horseed. Munaasabaddii shirka lagu furayey oo ahayd mid si weyn loo soo agaamisyey, islamarkaana ka dhacday hoolka shirarka ee Jaamacadda PSU, waxaa kasoo qayb galay madaxda sare iyo xubnaha ururka.

1/31/2013 5:57 AM EST
Khamiis, Jannaayo, 31, 2013 (HOL) -- Saraakiisha ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa markii ugu horeysay magaalada Baladweyne tababar uga furay haween ka mid noqonaya ciidamada militariga dowladda Soomaaliya.

1/31/2013 5:40 AM EST
Khamiis, Jannaayo 31, 2013 (HOL) —Wafdi uu horkacayo ra’isul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa goordhow gaaray magaalada Marka ee xarunta gobolka shabeelaha hoose.

1/31/2013 1:41 AM EST
Khamiis, Jannaayo 31, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Belgium ayaa faahfaahin ka bixiyay kulammo uu la yeeshay madaxda Midowga Yurub, kuwaasoo looga hadlay sidii dowladda uu hoggaaminayo gacan looga siin lahaa dib-u-dhiska dalka.