4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 31, 2013
MADAXWEYNAHA PUNTLAND: "Nidaamka Axsaabta Waalalaheenna Somaliland ayaynu kaga dayannay" (SAWIRRO)


 Khamiis, Jannaayo 31, 2013 (HOL) — Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa shalay ka furmay shir-weynaha 1-aad ee urur-siyaasadeedka Horseed. Munaasabaddii shirka lagu furayey oo ahayd mid si weyn loo soo agaamisyey, islamarkaana ka dhacday hoolka shirarka ee Jaamacadda PSU, waxaa kasoo qayb galay madaxda sare iyo xubnaha ururka.

Waxaana kamid ahaa madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole , ku-xigeenkiisa Gen. Cabdisamed, guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdirashiid Maxamed Xirsi, golaha wasiirrada iyo qaar badan oo kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka.

Madaxweynaha Puntland oo isagu ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa ku dheeraaday faa’iidada ka dhalan karta nidaamka axsaabta ee looga guurayo hab-maamulkii qabaliga ahaa ee horay hoggaanka Puntland loogu soo dooran jirey.


Wuxuuna intaas raaciyey in dowladdu ay ku dhawaaqday hannaaka axsaabta, islamarkaana ay diyaar u tahay in ay dhabarka u ridato caqabad kasta oo kasoo food saarta, ayna soo dhoweynayso in siyaasadda lagu tartamo.

“Nin durbaan tumay ilaaq dalbey, anagaa ku dhawaaqnay in la tartamo Anagaana u yeernay waan soo dhoweyneynaa xisbi kasta oo la furo” madaxweynaha Puntland ayaa yiri.

Ugu danbeyntii wuxuu madaxweyne Faroole tilmaamay in nidaamkan ay Puntland ku tallaabsanayso uu yahay mid ay uga dayatay maamulka Somaliland, maadaama ay habboon tahay in waxa fiican laysaga daydo.

“Walaalaheena dhinaca galbeedka inaka xiga Somaliland  baynu kaga dayaney waaya aragnimada ay ka arkeen,  wixii fiican haddii ay cidi samayso waa lagala daydaa, xasad iyo xumaani ma jirto, inaguna wax badan oo laynakaga daydo way jiraan”.


Ururka Horseed ayaa ah kii ugu horeeyey ee Puntland looga dhawaaqay, waxaana ku jira in ka badan 200 oo mas'uul oo xilal ka haya xukuumadda xiligan Puntland ka arimisa, kuwaasoo uu qayb ka yahay madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.

Sannadkii lasoo dhaafay waxaa Puntland looga dhawaaqay ku dhowaad 9 urur-siyaasadeed, waxaase shuruudaha guddiga doorashooyinku ay ku xireen soo buuxiyey 6 urur oo kala ah:Horseed(xisbul xaakimka), Hor-cad (horumar iyo cadaalad) , Midnimo, EDP(ururka dimuqraadiyadda Puntland), Wadajir iyo UDAD(ururka dadka Puntland.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya