4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 30, 2013
Wiil dhalinyaro ah oo lagu gowracay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Baydhabo iyo Bardaale

Arbaco, January 30, 2013(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta u ah gobolka Bay ayaa sheegaya in wiil dhalinyaro ah oo da’diisa 18 jir tahay, isla markaana  laga magacaabi jiray Xasan Bilow Jirid ay rag hubeysan oo ka tirsan Xarrakada Al-shabaab ay kala degeen gaari uu la socday, kaddibna ay gowraceen.

Wiilkani oo uu dhalay nin caan ka ah magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu gowracay inta u dhaxeysa magaalooyinka Baydhabo iyo Bardaale. Lama garanayo sababta keentay ay Xarrakada Al-shabaab beegsato wiilkani, isla markaana ay gowracdo, inkastoo ay jiraan warar aan la xaqiijin oo sheegaya in marxuumka uu horay uga tirsanaa Xarrakada Al-shabaab.

Dhanka kalena magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka taagan xiisad siyaasadeed, taasi oo ka dhalatay kala qeybsanaan soo kala dhexgashay xildhibaannada iyo malaaqyada ka soo jeeda gobolka Bay, kuwaasi oo kala qeybsanaantooda ay salka ku heyso in la bedelo maamulka gobolka Bay iyo in aan la bedelin oo sidiisa loo daayo.

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan magaalada Baydhabo ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo xalay qeybo ka mid ah magaalada ay ka dhaceen weerarro isugu jiray bambo gacmeedyo iyo madaafiic, iyadoo weerarradaasna ay soo qaadeen xarrakada Al-shabaab.


Xafiiska wararka Hiiraan Online