4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 30, 2013
Shirkadda Xawaaladda Amaana oo Deeq raashi ah Gaarsiisay Isbitaalka Guud Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan



Arbaco, Jannaayo, 30, 2013 (HOL) – Isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne oo bishii December ee sanadkii ina dhaafay 2012 hay’adda MSF Swiss joojisay gacantii ay siin jirtay, ayaa waxaa maanta gargaar gaarsiisay shirkadda xawaaladda Amaana kadib markii ay codsi u soo  gudbiyeen guddi la shaqeeya maamulka Isbitaalka.

Xassan Ibraahim Xalane madaxa shirkadda Amaana magaalada Baladweyne ayaa sheegay in iyaga oo ka jawaabaya codsi uga yimid guddi la shaqeeya maamulka isbitaalka, dhinaca kalana fiirinaya baahida kala gadisan  ee xiligan heysata isbitaalka gaarsiiyeen deeq mudo bil ah ay ugu talagaleen in ay ku filnaato adeegga uu u baahan yahay isbitalka.

‘’Waxaan gaarsiinnay Shidaal loo isticmaali doono mudo bil ah matoorka isbitaalka, sidoo kale waxaa ka mid ah gargaarka aan maanta ku deeqnay Bariis, Sokor, Saliid, Digir, Haruur, Dhuxul iyo agab kale oo loo isticmaali doono nadaafadda sida Oomo iyo Saabuun, dhamaatoodna waxaan ugu talagalnay in mudo bil ah ay ku filnaadaan isbitaalka,’’ ayuu yiri Xassan Ibraahim.

Agaasimaha guud ee Isbitaalka magaalada Baladweyne Dr Axmed Max’ed Khaliif oo gudoomay gar-gaarka la gaarsiiyay ayaa sheegay in uu siweyn uga mahad celinayo deeqda ka soo gaartay shirkadda xawaaladda Amaana, isaga oo sheegay in ay gargaarka wax weyn ka tari doono adeega kala duwan ee uu u baahan yahay isbitaalka.

Sidoo kale Maryan Tahliil Muumin oo ka mid ah guddiga la shaqeeya isbitaalka ayaa uga mahad celisay shirkadda durbaba jawaabta ay ka bixisay codsigii loo gudbiyay, waxaana ay baaq guud u dirtay dhamaan cid kasta oo caawin karta isbitaalka magaalada Baladweyne oo aan hadda wax hay’ad ah ku tiirsaneyn una baahan in uu sii shaqeeyo.

Inkastoo marar badan oo hore shirkada Amaana ay sidan oo kale gargaar u gaarsiisay isbitaalka Baladweyne ayaa la oran karaa kaalmadan waa mid ka duwan kuwii hore madaama ay ku soo beegantay xili hay’adda MSF Swiss ay joojisay howlihii isbitaalka oo ay hadda jiifaan bukaano ka kooban qeybaha bulshada islamarakasina qaba xanuunno kala duwan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya