4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 30, 2013
Al-shabaab oo ku han-jabtay in ay sii wadeeyso qaraxyada lagu beegsanayo xarumaha dowladda

Arbaco, Jannaayo, 30, 2013 (HOL) --  Afhayeenka dhinaca howlgalada u qaabilsan xarrakada Al-shabaab Sheekh C/siis Abuu-musab ayaa ku hanjabay in ay sii wadi doonaan weerarada qaraxyada ah oo ay la beegsanayaan xarumaha dowladda Soomaaliya.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii weerar ismiidaamin ah oo ay mas’uuliyadiisa sheegatay xarrakada Al-shabaab uu qof natii hure ah ku qaaday xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya, waxaana wararkaa ku dhintay labo ruux oo uu ka mid ahaa qofkii is qarxiyay.

Waxaa uu sheegay Sheekh C/siis Abuu-muscab in weerarkii shalay uu muujinayo sida uu hadalka u sheegay taag-darrada laamaha nabad-galyada dowlada iyo awood ay Al-shabaab u leeyihiin in ay weeraraan meel kasta oo ay doonayaan.

‘’Weerarkii shalay waxaa uu muujinayaa sida ay fashilmeen hay’addaha nabad-galyada dowladda, waana xoojin doonaa weerarada qaraxyada ah ee aan ku beegsaneyno xarumaha dowladda,’’ ayuu yiri Abuu-muscab.

Waxaa uu sheegay meelaha ay beegsan doonaan in ay qeyb ka tahay xarunta Xalane oo ka mid ah xarumaha amaankooda sida weyn loo adkeeyo, kuna sugan yihiin saraakiisha midowgga Africa iyo diblumaasiyiin shisheeye.

Wasiirrka warfaafinta xukuumada Soomaaliya C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo markii uu dhinaca qaraxii shalay kadib warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in ruuxa is qarxiyay uu ka mid ahaa dhalinyarradii horay uga soo goosatay Al-shabaab hasse ahaatee waayadii danbe ka tirsanaa ciidamada nabad-sugida dowladda, laakiin waxaa arintaa beeniyay taliyaha ciidamada nabad-sugida Col Khaliif Axmed Erag oo sheegay in uusan shaqsigaa ka tirsaneyn ciidamada nabad-sugida.


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 
Baladweyne, Soomaaliya.