4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 3 , 2013
Saraakiisha Itoobiya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Gobolka Bay oo sheegay inay adkeynayaan Aammaanka Gobolkaas

Khamiis, Jannaayo 03, 2013 (HOL) — Saraakiisha ciimada Itoobiya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegay inay ka go’an tahay adkeynta ammaanka deegaannada uu ka kooban yahay gobolkaas.

Hadalkan ayay saraakiishu ka sheegeen kulan looga hadlayay sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaannada ay weli kaga sugan yihiin gobolka Bay oo lagu qabtay magaalada Baydhabo, kaasoo uu goobjoog ka ahaa wasiirka gaashaandhigga.

“Saraakiishu waxay sheegeen inay ka go’an tahay inay Al-shabaab kula dagaalamaan gobolka Bay inta ay ka saarayaan gobolka oo dhan,” ayuu yiri xildhibaan ka mid ah wafdiga uu hoggaaminayo wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo shalay Baydhabo tagay.

Wasiirka Gaashaandhigga oo isaguna ka hadlay socdaalkiisa Baydhabo ayaa sheegay in ujeeddooyinkiisa ay qayb ka yihiin sidii ay u ogaan lahaayeen xaaladda ay ciidamada dowladda ay ku sugan yihiin.

“Shacabka Baydhabo aad ayay noosoo dhaweeyeen markii aan tagnay Baydhabo, waxaana kaga maahad-celinayaa taageerada ay u hayaan dowladda iyo dowlad-jacaylkooda,” ayuu yiri wasiirka oo saxaafadda la hadlay.

Ugu dambeyn, wasiirka gaashaandhiggu wuxuu sheegay inay aad ugu kuur-geli doonaan inta ay Baydhabo ku sugan yihiin xaaladda ciidamada, isagoo xusay inay ciidamada ku sugan gobolka Bay ay heli doonaan mushaar iyo xuquuqaha kale ee ay dowladda ku leeyihiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya