4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 29, 2013
Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in ruuxii Is-miidaaminta sameeyay uu kasoo goostay Xarakada Al-shabaab

Talaado, Jannaayo 29, 2013 (HOL) — Wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta iyo gaadiidka xukuumadda Soomaaliya, Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ruuxii ismiidaaminta ka geystay afaafka hore ee xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo madaxtooyada ku dhow uu kasoo goostay Al-shabaab.

Wasiirka ayaa sheegay inay soo gudbin doonaan magaca ruuxan oo ka tiranaa hay'adda nabadsugidda Qaranka, isagoo hadalkiisa ku daray in hal askari oo ciidamada dowladda ka tirsan uu ku dhintay weerarkaas.

"Ciidamadii fashiliyay weerarka ayaan u mahadcelinaynaa, weerarkuna wuxuu ahaa mid fashilmay oo uu ku dhintay ruuxii weerarka qaaday iyo hal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay saddex askari oo kale," ayuu yiri wasiirka wafaafinta.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay inay baaritaanno ku hayaan sidii uu qaraxu ku dhacay iyo halka laga soo abaabulay, isagoo xusay inay ku rajo weyn yihiin in qaraxan uu noqon doono kii ugu dambeeyay oo ay Al-shabaab ka geysato Muqdisho.

Ma jirto cid sheegatay inay weerarkaas ka dambeysay, iyadoo si weyn ay u cambaareeyeen weerarka dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Ruuxa ismiidaaminta sameeyay ayaa la sheegay inuu doonayay inuu isku qarxiyo xarun ay ha'yadda nabadsugidda Qaranka ku leedahay gudaha madaxtooyada, balse ciidammo ku sugnaa koontarool ku dhow xafiiska ra'iisul wasaaraha ayaa ogaaday in ninkan uu isku soo xiray waxyaabaha qarxa, taasna ay keentay inuu isla goobta isku qarxiyo.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka hortagayso falalka noocan oo kale ah, iyadoo aysan jirin mas'uul ka tirsan dowladda oo wax ku noqday weerarkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya