4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 29, 2013
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo booqanaya deegaano ka Tirsan Gobolka Galguduud

Talaado, Jannaayo 29, 2013 (HOL) — Wafdi xildhibaanno ah oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa booqanaya deegaanno ka tirsan gobollka Galguduud, halkaasoo ay kulamo kula leeyihiin mas’uuliyiinta gobollka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wafdiga ka socda baarlamaanka oo ka kooban lix mudane ayaa socodaalkooda ka bilaabay degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud oo ay kulamo kula qaateen maamulka degmada iyo qeybaha bulshada oo si weyn halkaa ugu soo dhaweeyay, iyagoo uga sii gudbay degmooyinka Dhuusa-mareeb iyo Caabud-waaq oo isla gobolka ka tirsan.

Xildhibaan Mahad Max’ed Salaad oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee booqanaya Galguduud oo la hadllay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedada socdaalkooda tahay u kuur-galida xaalada deegaannada gobollka oo mud dheer sida uu sheegay aysan imaan wafdi intan la eg oo ka socda dowladda .

"Annaga ujeedada socdaalkeena waa in aan marka hore bal u kuur-galo xaaladaha nolaleed iyo nabad-galyo ee ka jira deegaannada gobollka, sidoo kalana waxaan hor dhac u nahay wafdi ka socda dowladda dhexe oo halka booqasho ku iman doona,’’ ayuu yiri xildhibaannka.

Sidoo kale, Xildhibaan Jawaahir Axmed oo ka mid mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee booqanaya gobollka Galguduud ayaa meel fagaaro ah dad isugu soo baxay soo dhaaweyntooda ka sheegtay in ay u socdaan isku xirka gobollka iyo dowladda dhexe, madaama ay iyagu yihiin xildhibannadii gobollka uga wakiilka ahaa dowladda.

Guddoomiyaha degmada Guri-ceel Cismaan Ciise Nuur Taar-dhuuleed oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta gobollka ku soo dhaweysay xubanaha ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay siweyn u soo dhaweynayaan xildhibaannada, isaga oo sheegay in marka ay dib ugu laabtaan Muqdisho looga baahan yahay in ay dowladda hor dhigaan xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta gobollka.

"Bulshada dhaxgala oo wareysta si aad wax badan u ogaataan, waa in aad xogta aad ka ururisaan deegaannada gobollka si toos ah ugu gudbisaan dowladda,'' ayuu yiri guddoomiyaha degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud.

Wafdiga xildhibaannada ah ee booqanaya gobollka Galguduud ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee gaaray gobolka tan iyo markii la dhisay baarlamaanka dowladda federaalka, iyadoo la filayo dhawaan in ay gobollka tagaan wafdi heer wasiirro ah oo ka socda xukuumada Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya