4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 29, 2013
Bannaanbax looga soo horjeedo Xafiis uu Xisbiga HORSEED doonayay inuu ka furmo Buuhoodle oo ka dhacay Degmadaas

Talaado, Jannaayo 29, 2013 (HOL) — Bannaanbax laga soo horjeedo fidinta xarumaha xisbiga HORSEED ee talada Puntland haya ayaa ka dhacay magaaladda Buuhoodle ee gobolka Cayn.

Mudaharaadkan oo ay soo qaban-qaabiyeen qaar ka mid ah dadka taabacsan maamul goboleedka Khaatumo ayaa waxaa u badnaa dumar iyo caruun; iyagoo ku dhawaaqayay erayo ay ka mid yihiin: 'Puntland doonimayno, Somaliland doonimayno, Khaatumo ha noolaato, Soomaaliya ha-israacdo' iyo hadallo kale oo u badnaa midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Mudaharaadayaashan oo wadooyinka magaalada maray ayaa waxay isugu soo urureen barxada dugsiga hoose dhexe ee Darwiish; iyadoo mudaaharaadayaasha qaarkood ay hadallo ka jeediyeen.

Ma jirin wax mas'uuliyiin ah oo ka tirsan maamulka Khaatumo oo ka muuqday goobta mudaharaadku ka dhacaayay, iyadoo dibadbaxu uu kusoo dhammaaday jawi deggenaan ah Inkastoo meelo magaalada ka mid ah ay ka muuqanayeen qiiqa taayiro la gubay.

Banaanbaxyadan ayaa yimid waqti ay magaalada Buuhoodle soo gaareen wafti ballaadhan oo isugu jira golayaasha baarlamaanka iyo xukuumada Puntland, kuwaasoo sida la sheegay u socday inay ka furaan magaaladaas xafiis uu leeyahay xisbiga Puntland xukuma ee HORSEED.

Dhinaca kale, warsaxaafadeed ay qabteen mas'uuliyiinta Puntland ayaa wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka Puntland, Inj. Maxamed Faarax Aadan wuxuu si deggen uga warbixiyay safarkoodu isagoo sheegay inuu ku saleysan yahay inay ka furaan xaruntii uu xisbiga taladda haya ku yeelan lahaa magaalada, wuxuuna soo dhaweeyay bannaanbaxii lagu diidanaa isagoo ku tilmaamay mid muuujinaya heerka ay dimuqraadiyaddu marayso.

Inj. Maxamed wuxuu soo dhaweeyey cid kasta oo siyaasaddooda ka soo horjeedda inay diyaar u yihiin inay la hadlaan, isagoo sharraxaad dheeraad ah bixinaya wuxuu tilmaamay in tartanku yahay mid fure u ah hannaanka ay maanta Puntland u guurtay ee xisbiyada badan.

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah xildhibaanada golaha baarlamaanka Puntland oo sheegay in maanta ay xildhibaanno ahaan doonayaan in codkiina ay ku helaan doorasho halkii awal cid uun la geyn jiray.

Magaaladda Buuhoodle oo dhacda soohdinta Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa ka jira maamullo badan oo ay ka mid yihiin Khaatumo, Puntland iyo kan Itoobiya, ayaa waxay tani noqonaysaa markii ugu horreysay isku-soo-bax looga horyimaado mas'uuliyiin deegaanka u dhashay oo xanbaarsan xilal intaas le'eg, taasoo muujinaysa hoos u dhac ku yimid taageerayaashii maamulka Puntland.

Saynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online

[email protected]

Laascaanood, Gobolka Sool