4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 28, 2013
Kulan Talo-wadaag ah oo looga Hadlayey Midnimada iyo Horumarka Somalia oo lagu qabtay Gobolka Minnesota



Isniin, Jannaayo 28, 2013 (HOL) — Kulankan oo ay soo qaban-qaabiyeen shaqsiyaad ka shaqeeeya arrimaha bulshada Soomaalida ah ee ku dhaqan gobolka Minnesota ayaa waxaa markii labaad lagu marti qaaday prof: Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cali Khaliif Galeyr, oo labaduba ka tirsan mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya. Iyadoona ay madasha kulankan soo xaadireen in ka badan dad lagu qiyaasay sadex boqol oo ruux.

Ugu horreyn, waxaa furitaankiisi  ka hadlay Sadik Warfaa, oo madax u ahaa shaqsiyaadkii soo abaabulay, waxaana uu sharaxay ujeedada iyo aragtida ka dambeysa, oo uu ku tilmaamay in ay tahay siddii bulshada Soomaaliyeed u wadaagi-lahaayeen afkaartooda iyo aragtida guud ee ku saleysan midnimada iyo horumarka Soomaaliya.

Ra’isal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr haatanna ah xildhibaan ka tirsan mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya, oo ka mid ahaa dadkii madasha lagu casuumay ayaa sheegay in ay Soomaaliya soo martay marxalad iyo waqti dhib badan, waxaana uu sheegey in uu haatan dalka ka jiro nidaam dowli ah oo maraya heer-bilow ah, hase ahaatee loo baahan yahay in laga wada-shaqeeyo sidii loo sii xoojin lahaa, islamarkana guud ahaan gobollada iyo deegaannada Soomaaliya loogu baahin lahaa.

“Meeshaan “Soomaaliya” hal qof iyo labo toona waxba sameynkaraan, waana taasi waxa loogu baahan yahay koox wada shaqeysa, sababtoo ah dhibaato badan ayaa taala. Waana taasi waxa looga baahan yahay Xassan Sheekh “Madaxweynaha” iyo ra’isal wasaare Saacid,” ayuu yiri Cali Khaliif.

Aas-aaska qaranka iyo midnimadda Soomaalida

Axmed Ismaaciil Samatar, oo ka mid ahaa murashaxiintii ka qeybgalay tartankii doorashada madaxtimada Soomaaliya ee sanadkii hore, oo hadalkiisa ku saleeyey dhowr qodob ayaa mar uu ka hadlayey  midnimada iyo aas-aaska qarannimo ee Soomaaliya waxaa uu sheegay in helitaanka ummuurtaasi ay gun-dhig u tahay in ugu horreyn dalka laga hirgaliyo nidaam cadaaladeed oo shaqeyn kar, islamarkaana loo saman yahay.

Waxaa uu sheegay in burburkii dalka ka dhacay ay sabab u ahayd, iyadoo si wanaagsan aan loo qeybsan habka maamulka iyo talo wadaaggii uu wadanku lahaa, islamarkaana si taasi loo saxo loo baahan yahay in ugu horreyn dhowr arrimood si weyn loo daraaseeyo, kuwaasi oo ugu horreeyo nidaamka qabiilka Soomaalidu ay muddooyinkii dambe wax ku qeysanayeen ee 4.5-ta, kaas oo uu sheegay in uu si gaar ah u duudsiinayo dad gooni ah xaquuqdii ay bulshada ku dhex lahaayeen.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in nidaamka feedaraalka ay ee ay ku dhisan tahay dowladda dhexe ee Soomaaliya ka jirta uu yahay mid muddooyinkii dambe wadanka galiyey dhibaatooyin iyo kala qobqobnaan fara badan, kuwaasi oo ay ka mid tahay in ay sameysmaan wax ka badan 30 maaul gobolleed oo aan qaarkood lahayd awood iyo talo muuqata.

Aqoonsiga uu Mareykanku siiyey dowladda Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa dhawaan si rasmi ah markii ugu horreysay muddo ka badan 21 sanno u aqoonsatay dowladda cusub ee ka jirta Soomaaliya. Aqoonsigaasi ayaa mar uu ka hadlayey prof: Axmed Ismaaciil Samatar waxaa uu sheegay in ay tahay guul u soo hoyatay Soomaaliya, hase ahaatee madaxda hogaaminayso dowladda cusub ee Soomaaliya looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan siddii fursaddaasi loo maali-lahaa.

“Waa wax la filayey in ay dowladda Mareykanku soo rogaal-celiso, oo ay ogaato in ay dadka Soomaaliyeed yihiin dad toosi kara oo wax qabsan-kara. Waana fursad iyo rejo wanaagsan, laakiin waa in lala yimaado xirfad iyo sida looga faa’ideysanayo. Illaa ma ahan uun mucaawino na siiyee,” ayuu yiri Axmed Ismaaciil Samatar.

Soomaaliland iyo aqoonsiga Mareykanka

Samatar, waxaa uu sheegay inkastoo uu aqoonsigaasi yahay fursad wanaagsan oo Soomaalida u soo hoyatay, hadana uu dhibkiisa wato, haddii aysan qeyb ka Soomaaliland, oo iyadu wixii ka dambeeyey burburkii Soomaaliya sheeganaysay in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

“Lama oran karo dowladda Mareykanku waxaa ay aqoonsatay dowladdaa Soomaaliya, intiina kalana socdoo hoos-gala..Hadeed taarikhda intii ka horreysay lama aasi-karo ee ogaada. Soomaaliland iyo wax ay tabanayaan haddii aan xisaabta horray looga darin. Anigu waxaan qabaa halkaa musbaar weyn oo taayeerada qarxinaya ayaa ku jira,” ayu yiri Axmed Samatar.

Kulankan oo ahaa wajigiisi labaad oo lagu qabto gobolka Minnesota oo ah halka ay ku dhaqan yihiin Soomaalidu u faraha badan  ee nool Mareykanka, ayaa labada goorba waxaa marti looga dhigay in ay ka hadlaan Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cali Khaliif Galeyr, oo labaduba ka qeybgalay isbeddalkii Soomaaliya ka dhacay sanaddii la soo dhaafay, islamarkaana haatan xubno ka ah baarlamaanka cusub ee ay Soomaaliya leedahay. Iyadoona labadda aqoonyahanba ay sharaxaan ka bixinayeen isbeddalka cusub ee ay Soomaaliya gashay, gaar ahaan siddii wadanka looga dhalin lahaa midnimo, cadaal iyo soo nooleynta qarankii burburay warti-dheer ka hor.





Maxamed Faarax Talyaani, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota