4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 28, 2013
Ciidamada Dowladda Somalia oo Baaritaanno ka sameeyay Xaafado dhowr ah oo ka tirsan Degmooyinka Huriwaan iyo Yaaqshiid

Isniin, Jannaayo 28, 2013 (HOL) — Ciidmada dowldda Soomaaliya ayaa howgallo ay kusoo qabqabteen xubno ay uga shakisan yihiin Al-shabaab ka sameeyay maanta xaafado ka tirsan degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ee gobolka Banaadir.

Howgalladan ayaa waxay billowdeen xalay gellinkii dambe, iyadoo saraakiisha ciidamadu ay sheegeen inay kusoo qabqabteen 450-qof oo ay soo dhex-saareen 26-qof oo lagu tuhusan yahay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin.

“Xaafadaha Al-cadaala, Suuqa Dayax iyo Waxara-cadde ayaan ka sameynay howlgallo aan ku raadinaynay dad aan xog ka haynay oo Al-shabaab ka mid ah, waxaana dadkii aan howgalladaas kusoo qabannay kala baxnay 26-qof oo ay ku jiraan kuwii aan tuhunsanayn,” ayuu yiri Khaliif Axmed Ere goo ah taliyaha nabadsugidda gobolka Banaadir .

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in dhallinyaradii kale ee guryahooda laga soo qabqabtay la fasaxay, wuxuuna howlgalkan ku tilmaamay mid ka mid ah kuwo la doonayo in lagu sugo ammaanka guud ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada dowladda oo aad u hubeysan ayaa tan iyo xalay roondooyin  kawaday xaafadaha baaritaannada lagu sameeyay, iyadoo baaritaankan uu noqonayo kii afaraad oo degmooyinkaas lagu sameeyo muddo laba bilood gudahood ah.

Dhanka kale, goobjoogayaal ku sugan xaafadaha ay ciidamadu baarista ku sameeyeen ayaa sheegay in saakay ay ku waabariisteen ciidammo fara badan oo ku sugan guryahooda, kuwaasoo gudaha u galay guryaha halkaas  ku yaalla si ay baaritaanno ugu sameeyaan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa labadii bilood ee ugu dambeeyay ka socday howlgallo baaritaanno ah, kuwaasoo saraakiisha haya’daha amaanka ay ku sheegeen in lagu sugayo ammaanka caasimadda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya