4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 28, 2013
Wafdi Wasiirro ah oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo gaaray Maanta Degmada Baydhabo ee Gobolka Bay

Isniin, Jannaayo 28, 2013 (HOL) — Wasiirro ka tirsan xukuumadda Somalia ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, iyagoo kulammo la yeeshay waxgaradka gobollada Bay iyo Bakool, iyagoo kala hadlay maamul u smeynta gobolladaas.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminayay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed, waxaana ka mid ahaa wasiirka gaashaandhigga, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo wasiir ku xigeennada wasaaradaha warfaafinta iyo arrimaha bulshada.

Odayaasha iyo waxgaradka ay wasiirradu la kulmeen ayaa waxay wasiirrada ku wargeliyeen cabashooyin iyo dhaliilo ay u jeediyeen maamulka gobolka Bay, iyadoo wasiirraduna ay u sheegeen waxgaradkaas inay dowladdu wax ka qaban doonto cabashadooda.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay waddo qorshe ay maamullo KMG ah ugu sameynaysay gobollada Bay iyo Bakool, inta ay shacabka gobolladaas kasoo dooranayaan maamulladii hoggaamin lahaa.

Sidoo kale, wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa isaguna ugu baaqay shacabka ku nool gobollada Bay iyo Bakool inay gacan ku siiyaan ciidamada dowladda si ammaanka gobolladaas loo sugo.

Wasiirradan ayaa waxay sidoo kale kulan la yeesheen maamulka gobolka Bay iyo xubno ka socday maamulka gobolka Bakool, iyagoo kala hadlay qorshe ay dowladdu ku doonayso inay maamullo ugu sameyso gobolladaas.

Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa dhawaan go’aan ku gaaray in maamullo KMG ah loo sameeyo gobollada dalka, kuwaasoo maamulka ku wareejin doono maamullo ay shacabku soo doortaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya