3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 28, 2013
Ganacsatada iyo Bulshada ku dhaqan Gobolka Hiiraan oo soo dhaweyay dib u Howlgalinta Garoonka Diyaaradaha Baladweyne


Isniin, Jannaayo, 28, 2013 (HOL) – Tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM iyo ciidamo si gaar ah loo tababaray oo ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan la wareegeen sugida amniga Baladweyne waxaa is badal muuqda ku yimid nabad-galyada magaalada, taasoo keentay in ay dib u shaqo galaan goobihii danta-guud ee  mudada dheer aan shaqeyn.

 

Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne oo mudo dheer aan wax shaqo ah qaban ayaa hadda la oran karaa waa mid si goos ah dib u shaqo bilaabay, kadib markii ay arintaa siweyn uga howlgaleen saraakiisha ciidamada Jabuuti iyo mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan.

 

Marka laga soo  tago dulimaadyada diyaaradaha rakaabka ah, waxaa labadii cisho ee la soo dhaafay garoonka si toos ah uga soo dagayay khaadka laga keeno magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo markiisii hore ka degi jirtay degmada Guri-ceel ee gobollka Galguduud.

 

Ganacstada khaadka qaarkood oo ay HOL la hadashay ayaa sheegay in ay faa’iido weyn ku qabaan in dib u howl-galinta garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne, madaama markii hore ay ku qasbanaayeen in ay khaadka u doonaan degmada Guri-ceel oo ay diyaaraduhu ka dajin jireen.

 

‘’Shirkadaha duulimaadyada khaadka keena Soomaaliya, markii ay ku qanceen nabad-galyada ka jirta magaalada ayeey go’aansadeen in ay si toos ah uga soo dajiyaan khaadka magaalada Baladweyne,’’ ayuu yiri mid ka mid ah ganacsada khaadka.

 

Maamulka garoonka diyaaradaha Baladweyne ayaa sheegay in hadda ugu yaraan maalintii laga yaabo in ay garoonka soo caga-dhigtaan ilaa labo diyaaradood, taasoo muujineysa in amniga garoonku yahay mid leysku haleyn karo.

 

Duulimaadyada hay’addaha samafalka ayaa iyaguna ka mid ah kuwa sida tooska ah u isticmaala garoonka diyaaradaha, kuwaasoo todobaadyadii aynu soo dhaafnay marar badan ku soo laabtay magaalada.

 

Amaanka garoonka waxaa si buuxda gacanta ugu haya ciidamada dowladda Jabuuti oo soo dhaweyn wanaagsan u fidiya dadka ka dhoofaya iyo kuwa ka soo dega garoonka intaba.

 

Mas’uuliyiinta shirkada Oday Treval Agency ee magaalada Baladweyne oo ah shirkadii ugu horeysay oo si toos ah uga shaqo bilaawday garoonka diyaaradaha markii dib loo howl-galiyay, waxaa ay sheegeen in hadda dadka duulimaadkooda adeegsada ee ka baxa magaalada ay kordheen waxaana todobaadkiiba maalinta Talaadada ah sida ay sheegeen ka baxa magaalada dad ku dhaw 60 ruux, halka tiro intaa ka badanna ay shirkadu ka soo qaado magaalada Muqdisho iyada oo si toos ah uga soo dajisa Baladweyne.

 

Dadka ku dhaqan magaalada ayaa dhinacooda siweyn u soo dhaweeyay dhaq dhaqaaqan uu bilaabay garoonka iyaga oo sheegay in uu wax badan sahli doono.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]

Baladweyne, Soomaaliya













Click here
1/28/2013 8:18 AM EST
Isniin, Jannaayo 28, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Talyaaniga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Adrea Mazzela isagoo kala hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhaxeeya labada dalka.

1/28/2013 8:03 AM EST
Isniin, Jannaayo 28, 2013 (HOL) — Kulankan oo ay soo qaban-qaabiyeen shaqsiyaad ka shaqeeeya arrimaha bulshada Soomaalida ah ee ku dhaqan gobolka Minnesota ayaa waxaa markii labaad lagu marti qaaday prof: Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cali Khaliif Galeyr, oo labaduba ka tirsan mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya. Iyadoona ay madasha kulankan soo xaadireen in ka badan dad lagu qiyaasay sadex boqol oo ruux.

1/28/2013 7:30 AM EST
Isniin, Jannaayo 28, 2013 (HOL) — Ciidmada dowldda Soomaaliya ayaa howgallo ay kusoo qabqabteen xubno ay uga shakisan yihiin Al-shabaab ka sameeyay maanta xaafado ka tirsan degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ee gobolka Banaadir.

1/28/2013 7:28 AM EST
Isniin, Jannaayo 28, 2013 (HOL) — Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa dood adag ka yeeshay xeerka takaaliifta (Adeegyada) madaaradda Somaliland, kuwaas oo qaarkood soo bandhigay lacago ay sheegeen in sifo sharci daro loo lunsaday, isla markaana miisaaniyadda Qaranka lagu soo darin.

1/28/2013 7:02 AM EST
Isniin, Jannaayo 28, 2013 (HOL) — Wasiirro ka tirsan xukuumadda Somalia ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, iyagoo kulammo la yeeshay waxgaradka gobollada Bay iyo Bakool, iyagoo kala hadlay maamul u smeynta gobolladaas.

1/28/2013 6:18 AM EST
Isniin, Jannaayo 28, 2013 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay baadhanayaan cabsida ay ingiriisku ka muujiyey nabadgalyada dalka, waxaaanay xuseen in aanay wax cabsi ah iyo nabadgalyo daro jirin oo ay nabadu ku jirto gacanta ciidamadda amniga.

1/28/2013 2:44 AM EST
Isniin, Jannaayo 28, 2013 (HOL) — Xafiiska arrimaha dibadda ee Britain ayaa ugu baaqay muwaadiniintooda ku sugan Somaliland inay si dhaqso ah uga baxaan halkaas, kaddib markii ay soo baxeen sida warbixinta lagu xusay khataro cusub oo kusoo food leh dadka reer galbeedka ah ee Somaliland ku sugan. Iyadoo naamulka Somaliland uu arrintaas ka hadlay.

1/28/2013 2:10 AM EST
Isniin, Jannaayo 28, 2013 (HOL) — Saraakiisha ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay wadaan baaritaanno xooggan oo lagu ogaanayo dadka ka danbeeya dilalka magaalada Muqdisho loogu geeysto wariyeyaasha.

1/28/2013 12:40 AM EST
Isniin, Jannaayo 28, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dheer ka jeediyay kulanka Midowga Afrika ee shalay ka furmay magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya ayaa ka dalbaday dalalka Afrika inay gacan siiyaan Soomaaliya, isagoo xusay in Soomaaliya ay dib ugu soo laabatay beesha caalamka doorkeedana uu yahay mid aan la yareysan karin.