4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 28, 2013
Xukuumadda Soomaaliya oo shaaca ka qadday inay dabagal ku heeyso dadka ka dambeeya dilalka Suxufiyiinta

Isniin, Jannaayo 28, 2013 (HOL) — Saraakiisha ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay wadaan baaritaanno xooggan oo lagu ogaanayo dadka ka danbeeya dilalka magaalada Muqdisho loogu geeysto wariyeyaasha.

Taliyaha laanta danbi baarista dowladda Soomaaliya Gen. C/laahi Xasan Bariise oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanno xooggan oo ay ku doonayaan in ay kusoo qabtaan dadka ka danbeeya dilaka gudaha magaalada Muqdisho loogu geeysto suxufiyiinta.

Masuulkani ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay u xilsaartay in hay’adiisa ay baaritaanno kusoo sameeyso cidda ka danbeeysa dilkii ugu danbeeyay ee magaalada Muqdisho loogu geeystay wariye Cabdi Xareed Cismaan Aadan iyo kuwii ka horeeyayba, wuxuuna xusay in baaritaanku u marayo meel fiican.

“Waxaa loo xil-saaray hogaanka baarista danbiyada in wariyihii hadda ugu danbeeyay iyo wariyeyaasha dilkooda si deg deg ah kiiskooda wax looga qabto, waana ku raad joognaa,” ayuu masuulkani hadalkiisii raaciyay.

Sidoo kale taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed Gen. Shariif Sheekhunaa Maye ayaa isna sheegay in ay gacanta kusoo dhigi doonaan kooxaha ka danbeeya dilalka wariyeyaasha, wuxuuna xusay in arintaasi ay ka ballan qaadeen dowladda.

Taliyaha ayaa sheegay in howsha baaritaanka ay imika socoto uuna ku rajo weynyahay in ay ku guuleeysan doonaan, wuxuuna ka codsaday suxufiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed in ay gacan ka siiyaan ciidamada booliska iyo danbi baarista sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkaasi caadeeystay dilalka wariyeyaasha.

Hadalkan kasoo yeeray saraakiisha ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli 18-kii bishan gudaha magaalada Muqdisho lagu dilay Allaha u naxariistee Wariye Cabdi Xareed Cismaan Aadan, kaasoo ay toogteen kooxo ku hubeysan baastoolado, waxaana dilka wariyahani uu yahay kii ugu horeeyay ee sanadkan, iyadoona sanadii tagtay gudaha dalka Soomaaliya lagu dilay ku dhowaad 18-wariye kuwaasoo qaar badan oo kamid ah aan la garanayn cidda ka danbeeyso dilkooda.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya