4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 27, 2013
Boqolaal qof oo ku dhintay Dab ka kacay Caweys ku yaalla Magaalo ku Taalla Koonfurta Dalka Brazil (SAWIRRO)

A man carries an injured man from the scene of the devastating fire.
Axad, Jannaayo 27, 2013 (HOL) — Ugu yaraan 245 qof oo ka qaybgalayay xaflad ayaa ku dhintay maanta oo Axad ah dab ka kacay caweys ku yaalla magaalada Santa Maria oo Koonfurta dalka Brazil dhacda, sida ay sheegeen booliiska iyo ciidamada dabka la dagaalama ee dalka Brazil. Iyadoo gani ay noqonayso dhacadadii ugu xumayd nooceeda oo muddo toban sano ah oo ka dhacda caalamka.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dabku uu ka billowday qarax aan la ogeyn wuxuu ahaa, markaas kaddibna uu dabku si xooggan u billowday. Iyadoo magaalada uu dabku ka kacay ay ku dhow dahay xuduudaha uu dalka Brazil la wadaago dalalka Arjantiin iyo Urugwaay.

Taliyaha booliiska magaalada uu dabka ka kacay ee Santa Marino Maj. Cleberson Bastianello ayaa u sheegay wariyeyaasha ka howlgala gudaha dalkaas in maydadka 245-qof laga helay magaalada uu dabku ka kacay kuwaasoo 48 ka mid ah la geeyay isbitaalka.

Sawirrada laga qaaday goobta uu dabku ka kacay ayaa waxay muujinayaan gubasho xoog leh, sidoo kale waxaa la arkayay ciidamada dabka damiya oo la dagaalamaya dambka. Dhallinyaro gurmad ah ayaa sidoo kale lagu arkay goobta uu dabku ka kacay, kuwaasoo xaasiibbadood caawinayay, goobtana uga soo saaraya gacmahooda, waxaana gaaray dhaawacyo iyo gubasho.

“Goobta waxaa ka kacayay dab iyo qiiq, goobta oo dhan waxaa hareeysay cabsi, waxayna dadka badbaaday ku qaadatay muddo dheer inay goobtaas ka baxaan, waxaana dabka dhexdiisa lagu arkayay dad mayd ah,” ayay u sheegtay Luana Santos Silva.

Haweeneydan goobjoogaha ah waxay sheegtay in ciidamada dabka baqtiiya iyo gaadiidka gurmadka ah ay si dhaqso ah uga jawaabeen dabka, iyagoo gudaha u galay caweyska isla markaana caawiyay dadkii ku jiray.

Michele Pereira oo ah haweeney kale oo ka baabaaday dabka ayaa wargeys kasoo baxa dalka Brazil u sheegtay inay aad ugu dhaweys goobta uu dabku ka billowday, markiibana ay aragtay dad badan oo gubtay.

Victims of the nightclub fire receive medical assistance in  Santa Maria.

Afhayeenka maamulka Sant Marino, Marcelo Arigoni ayaa warbaahinta u sheegay inaysan caddeyn tirada rasmiga ah ee dabka ku dhintay, balse ay markiiba goobta ku dhinteen 180-qof, boqolaal kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen. Iyadoo goobjooge kale uu sheegay in goobta ay ku sugnaayeen dad ku dhow 2,000 oo qof.

“Anigu markiibta dibadda ayaan u soo baxay, waayo anigu awood badan ayaan isticmaalay,” ayay tiri Ezekiel Corte Real oo 23-jir ah, waxay intaas ku dartay in dadku ay is-jiirayeen intii u dabku socday, ayna aragtay dad badan oo ololaya.

Madaxweynaha dalka Brazil, Dilma Roussef ayaa joojiyay ka qaybgalka shir ay leeyihiin madaxda dalalka Laatiin Ameerika iyo Yurub, kaasoo ka socday caasimadda dalka Chili ee Santiago, isagoo u socda magaalada Santa Maria oo uu dabku ka kacay, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Brazil.

“Tani waa musiibo dhammaanteen nagu dhacday. Ma doonayo inaan sii wato shirka Chili qayb-galo, xaaladda jirta awgeed,” ayaa Dilma laga soo xigtay. Iyadoo magaalada uu dabku ka kacay ay ku nool yihiin rubuc malyuun qof.

Guddoomiyaha gobolka Rio Grande do Sul oo ah gobolka ay ku taallo Santa Mario, Tarso Genro ayaa ku tilmaamay maanta “Axaddii Murugada” , isagoo intaas ku daray inay dadaal badan ku bixin doonaan sidii musiibadan wax looga qaban lahaa.

Dhacdo noocan oo kale ah ayaa ka dhacday dalka bishii 25-kii Dec, 2000 dab ka kacay caweys ku yaalla magaalada Luoyang ee dalka China ayaa waxaa ku dhintay 309 qof.

Firefighters attempt to put out a fire at Kiss nightclub in Santa Maria.
Firefighters attempt to put out the fire at Kiss nightclub in Santa Maria.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya