4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 27, 2013
Shirkii Magaalada Laascaanood oo laga soo saaray bayaan ah in aan la dhibaateyn biri-ma-geydada (BAYAAN)


Axad, January 27, 2013(HOL): Baaq iyo digniino 7 qodob ka kooban ayuu ka soo baxay  shir  beel ka mid ah beelaha dega degmooyinka Laascaanood, Xudun, Taleex iyo Ceerigaabo ayaa maanta ku soo gabagabaysmey magaaladda Laascaanood xarunta Gobolka Sool.

 

Qodobadii shirkaas ka soo baxay ayaa waxaa saxaafadda u aqriyay C/llaahi Cabdi Faarax "Muuye" ayaa waxaa ka mid ahaa:

 

In laga digtoonaado wax kasta oo dhibaato ku keeni kara amniga beesha iyo beelaha ay deriska yihiin.

 

Waxay beeshu si buuxda u canbaaraysay falkii 6/1/2013 dabley ka tirsan Ciidanka Booliska iyo ka milateriga Somaliland ugu geysteen magaaladda Laascaanood dad birimageydo ah, iyagoo maamulka ku dhaliilay inaanay wax la taaban karo ka qaban isla markaana sheegay in gaadiidkii falkaasi lagu fuliyey la siidaayey maxkamad la`aan.

 

Guddigani waxay mar labaad canbaareeyeen dagaalladda ka dhacaya degmada Xudun oo ay sheegeen inay ciidamada Somaliland laayeen, qaarna qaateen dad maato ah oon dagaal ku jirin iyo hanti shacab leeyahay iyagoo ugu baaqay inay ciidamadooda kala baxaan degaankaas.

 

Waxa kaloo ay go`aamiyeen in la xaliyo shaqaaqooyin beesha dhexdeeda ka dhacay meelo kala duwan oo ay ka xuseen kuwo ka dhacay Taleex, Sarmaanyo, Xuddun, Ceerigaabo iyo sarmaanyo, iyagoo xusay iyana in la dhameeyo colaado soo jiitamey oo u dhexeeyey beesha iyo beesha Warsangeli.

 


Qodobka Todobaad ayay gudibeeleedkan oo ka koobnaa 21xubnood oo qadarin ku leh bulshada degaankaasi  go`aamiyeen in shir beeshu isugu timaado kan ka balaadhan wakhtiga iyo meeshana loo daayo Madax-dhaqameedka oo uu ugu mudan yahay say bayaanka ku xuseen Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud.

 

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah Gudigii shirkaasi hagaysey oo ka mid ahaa C/kariin Cali nuur oo si aad ah wax laga xumaado ku timaamay dhacdadii todobaadkii aan soo dhaafnay ka dhacday degmadda Xuddun.

 

Si kataba ha ahaatee shirkan ayaa ah mid maamulka Somaliland ku keenaya culay baaxad leh iyadoo ay beeshani tahay besha ugu degaanka balaadhan ee ay maamulka Somaliland ciidamadoodu ku sii wajhnaayeen wadahadalo dooran ay kaga doonayeen  taageero ay kaga soo jiitaan maamulka Khaatumo inkasta oo ay ku xidhantahay taageeradda uu shirkani beeshaasi ka helo.

 

Saynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online

[email protected]

Laascaanood, Gobolka Sool