4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 27, 2013
Booliiska Koonfurta Suudaan oo Booliiska Somalia u soo gacan-geliyay Gacan ku dhiigle dil ka Geystay Muqdisho

Axad, Jannaayo 27, 2013 (HOL) — Booliiska dalka Sudan ayaa u soo gacan-geliyay booliiska Soomaaliya gacan ku dhiigle horay dil uga geystay Muqdisho, kaasoo laga soo qabtay magaalada Jubba ee xarunta dalka Koonfurta Sudan.

Taliyaha booliiska Soomaaliya, Jen. Shariif Sheekhunaa Maye ayaa sheegay in ninkan iyo nin kale oo ay booliisku soo bandhigeen iyo laba nin oo kale oo maqan ay ku dileen Muqdisho gaar ahaan degmada Wardhiigley marxuum lagu magacaabi jiray, Siciid Dhiblaawe Siyaad ayna dhaawac u geysteen walaalkiis oo lagu magacaabi jiray, Xasan Dhiblaawe Siciid.

“Gacan ku dhiiglahan lagu magacaabo Cabdiraxmaan Ciise Axmed, wuxuu 29/08/2012 ka geystay Muqdisho dil isagoo ay wehlinayeen saddex qof oo mid ka mid ah la hayo labana ay maqan yihiin, wuxuuna u baxsaday dalka Koonfurta Suudaan, halkaasoo laga soo qabtay,” ayuu yiri Jen. Sheekhunaa.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in mid ka mid ah ragga ka maqan gacanta dowladda lagu magacaabo, Bootaan Cali Cigalle ayna wadaan qorshihii ay ku soo qaban lahaayeen labada qof ee maqan.

“Annaga waxaan xiriir la leennahay booliiska adduunka (Interpol), cid naga baxsan karta hadda kaddib ma jirto, qofkii dambi gala ee baxsada waan soo helaynaa,” ayuu yiri taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay oo ruux gacan ku dhiigle ah oo dil ka geystay Muqdisho lagu soo celiyo dalka, tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya