4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 27, 2013
Dadweyne gadoodsan oo diiday in Xisbiga MIDNIMO oo Asxaabta Puntland ka md ah uu xafiis ka furto Gaalkacyo

Axad, Jannaayo 27, 2013 (HOL) — Dadweyne careysan ayaa waxay maanta is-hortaag ku sameeyeen xafiis uu xisbiga MIDNIMO oo ka mid ah asxaabta Puntland uu ka furan lahaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyadoo lagu sheegay is-hortaaggan inuu farriin u yahay sida ay uga soo horjeedaan dadka ku nool waqooyiga Gaalkacyo maamulka Puntland.

Goobjoogayaal ku sugan waqooyiga Gaalkacyo ayaa laga soo xigtay in koox dhallinyaro ah oo careysan ay rabshado abuureen markii la gaaray xiligii xariga laga jari lahaa xafiiska xisbigan uu ku yeelan lahaa Gaalkacyo.

“Dhallinyaro abaaulan ayaa is-hotaag ku sameeyay furitaanka xabsiga, taas oo keentay in furitaanka xabsiga uu joogsado,” ayuu yiri goobjooge ku sugan Waqooyiga Gaalkacyo.

Xisbiga MIDNIMO ayaa wuxuu ka mid yahay xisbiyo dhawaanahan looga dhawaaqay deegaannada Puntland, waxaana iska leh culummo u badan kuwa Ictisaamka loo yaqaan, iyadoo buuqa lagu kiciyay furitaanka xafiis uu xisbigoodu ku yeesho Ggaalkacyo ay fajaciso ku noqotay mas’uuliyiinta sare ee xisbiga.

“Tani waa farriin muujinaysa sida ay dadka ku nool Waqooyiga Gaalkacyo uga horjeedaan maamulka Faroole,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku nool xarunta gobolka Mudug oo ku sugnaa goobta ay ka dhacday rabshada looga soo horjeedo furitaanka xafiiska xisbiga MIDNIMO.

Waa markii ugu horreysay oo dadweynaha Gaalkacyo ay ay ka hortagaan in xisbi ka mid ah xisbiyada Puntland uu xafiis ka furto Waqooyiga degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, halkaasoo ay ka taliso Puntland.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya