4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 27, 2013
Maamulka Gobolka Banaadir oo shaaciyay inay dayactir ku sameyn doonaan guud ahaan Waddooyinka Muqdisho

Axad, Jannaayo 27, 2013 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay inay dayacatir ku sameyn doonaan guud ahaan wadooyinka magaalada Muqdisho oo aan wax dayactir ah helin tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya muddo laga joogo 22-sano.

Afhayeenka maamulka gobolka oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in tani ay fududeyn doonto in culeyska uu ka dego jidka Maka Al-mukarma oo ah jidka ugu mashquulka badan Muqdisho, iyadoo ay ku kordhayaan shilalka gaadiidka.

“Maamulka gobolka Banaadir waxaa u qorsheysan in dayacti lagu sameeyo guud ahaan waddooyinka Muqdisho sida waddada Wandaha iyo soddonka si loo yareeyo iriiriga ka jira wadada Maka Al-Mukarama,” ayuu yiri Maxamed Yuusuf.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu hadalkiisa ku darya in dayactirka waddooyinka ay qayb ka yihiin dayactirka magaalada lagu sameynayo iyo soo celinta bilicda magaalada Muqdisho.

Taliska taraafikada Muqdisho ayaa iyaguna sheegay in shilalka ka dhacaya jiddka Muqdisho ay soo kordhayaan, taasoo ay ku macneeyeen inay sabab u tahay gaadiid fara badan oo magaalada la keenay iyo nabadda ka jira caasimadda Soomaaliya.

Waxaa muuqanaysa in gaadiidka ay kusoo badanayaan magaalada Muqdisho iyadoo la arkayo haween iyo rag gadiid kuwa raaxada ah ku wata guud ahaan jidadka Muqdisho, iyadoo tani ay muujinayso in tartan ku saabsan wadista gaadiidka oo u dhexeeya ragga iyo dumarka.

Jidadka Muqdisho ayaa burbursan iyadoo dhismayaasha hareeraha jidadka ku yaalla ay yihiin kuwo qurxoon oo la dayactiray, waxaana tani ay caddeyn u tahay in bulshada aysan u arag laamiyada inay yihiin kuwo ay iyagu leeyihiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya