4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 27, 2013
Shir Madaxeedkii Ururka Midowga Afrika oo si rasmi ah uga furmay Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya

Axad, Jannaayo 27, 2013 (HOL) — Shir madaxeedka ururka Midowga Afrika ayaa maanta oo Axad ah ka furmay xarunta ururku uu ku leeyahay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, iyadoo shirkaas uu Soomaaliya uga qayb-galayo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxda Afrika ayaa diiradda ku saari doona shirkooda sannadkan dagaallada ka socda dalka Maali iyo ka bixitaanka Soomaaliya ay ka baxday xilligii KMG ahaa iyo aqoonsiga uu Mareykanku siiyay iyo weliba wax-qabadka dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu shirka ka jeediyo khudbad uu ku sharraxayo xaaladaha ka taagan dalka Soomaaliya, howlgalka ciidamada Midowga Afrika ay ka wadaan gudaha dalka, wixii dowladda u qabsoomay iyo sidoo kale waxyaabaha ay dowladda Soomaaliya uga baahan tahay dalalka Afrika.

Shirka ayaa waxaa guddoominaysay haweeneyda ugu horreeysay oo loo doorto guddoomiyaha ururka Midowga Afrika tan iyo markii la saasaasay muddo hadda laga joogo 50-sano oo u dhalatay dalka Koonfur Afrika, iyadoo sheegtay in shirka ay sannadkan uga doodayaan ajandayaal badan.

Xarunta ururka Midowga Afrika ayaa waxaa ku sugan madaxda in ka badan 40-waddan oo Afrikaan ah,  iyadoo ay ka maqan yihiin madax caan ahaa oo shirka hormuud u noqon jiray sida ra'iisul wasaarihii hore ee Itoobiya, Meles Zenawi oo geeriyooday.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya