4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 25, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya o sheegay in Dowladdu ay ka hortagayso Saddex Arrimood oo uu ka mid yahay Kufsiga

Jimco, Jannaayo 25, 2013 (HOL) —Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmauud ayaa sheegay in dowladdiisu ay ka hortagayso saddex qodob oo aad u fool xun, kuwaasoo uu sheegay inuu ka mid yahay kufsiga haweenka.

Xasan Sheekh ayaa hadalkan ku sheegay khudbad uu shalay ka jeediyay kulan lagu soo dhaweynayay aqoonsigii Mareykanka uu aqoonsatay dowladda federaalka Soomaaliya.

“Uma dulqaadanayno qofka qof kale dila, mana jirto cid laga yeelayo inay soo daba-gasho. Alle bani’aadamka waa karaameeyay mana ogolaan karno in qof si macno-darro ah lagu dilo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo soo ku celcelinayay xikmadda ah ‘Geeridu mar-bay nolosha dhaantaa’.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay inay ka hortagayaan kufsiga loo geysto haweenka, isagoo sheegay inaysan jirin cid inta kufsi u geysato gabar Soomaaliyeed oo aan wax dhibaato ah u geysan ay haddana meeshay doonto iska marto iyadoo aan sharciga la horgeyn.

“Gabdhaha Soomaaliyeed waa sharafta iyo haybadda dadkeenna, mana ogolaan karno in la kufsado ama dhibaato loo geysto. Qof walba oo ku kaca kufsi waxaa la marin doonaan sharciga,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bishii November ee sannadkii hore Muqdisho ka sheegay in askarigii lagu helo fal kufsi ah uu xukunkiisu noqon doono dil toogasho, iyadoo bishan laba askari oo lagu toogtay Muqdisho uu mid ka mid ah ku eedeysnaa kufsi.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay inay dagaal adag la geli doonaan inta ay xukunka hayaan musuqmaasuqa oo uu sheegay inuu yahay mid dhabarka ka jabinaya horumar uu dalku gaaro, isagoo sheegay in askari, rayid, oday, wiil iyo gabar haddii ay musuqmaasuq sameeyaan uusan matelin wasaaradda ama xafiiska uu ka shaqeeyo uu falkaas uu isaga ku kooban yahay.

“Waxaa la yiraahdaa wasaaradda maaliyadda ayaa musuqmaasuqaas ka dhacay, marka waxaan halkan ka sheegayaa in falkaas aysan sameyn wasaaradda maaliyadda, balse uu sameeyay shaqsi ka shaqeynayay ayna habboon tahay in sidaas loo ogaado, sidoo kale, ruuxa ka tirsan xafiiska madaxtooyada ee wax xada isaga ayuu falkaas tuugonimada ah ku kooban yahay. Waxaana shacabka ka codsanayaa inaysan tuugada qarsan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay inay dowladdiisu difaaci doonto suxufiyiinta, balse aysan ogolaan doonin in suxufi uu dalkan ka shaaciyo warar been ah oo aan waxba ka jirin isagoo lagu sabayo lacag yar si dalka uu fidno uga abuuro.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya