4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 24, 2013
Iskahorimaad xalay ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab Degmada Jowhar

Khamiis, Jannaayo 24, 2013 (HOL) — Ugu yaraan shan qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay dagaal xalay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhexmaray demada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe.

Taliyaha guutada labaad ee ciidamada xoogga dalka, Jeneraal Maxamed Maxamuud Saneey oo ku sugan degmada Jowhar ayaa sheegay inay xalay lasoo weeraray fariisimo ay ciidamada dowladdu ku lahaayeen afaafka hore ee degmadaas, ayna iska difaaceen.

“Xalay weerar ayaa waxaa soo qaaday Al-shabaab, waxay kasoo qaadeen tuulada Bay-xaaw oo ku dhow degmada Jowhar, balse waa la iska difaacay, waxaana kaga dilnay dagaalkaas hal ruux laba kalena waan kaga dhaawacnay,” ayuu yiri Jen. Saney.

Balse, goobjoogayaal ku sugan degmada Jowhar ayaa sheegay in dagaalku uu qadar saacad ku dhow socday, ayna arkeen saakay maydadka lix qof oo ku dhintay dagaalkaas.

Al-shabaab ayaan dhankooda ka hadlin dagaalkii xalay ka dhacay degmada Jowhar iyadoo dagaalkaas uu ka mid noqonayo kuwii ugu xoogganaa ee ka dhacay degmadaas tan iyo markii ciidamada dowladdu ay Al-shabaab kala wareegeen degmadaas dhammaadkii sannadkii hore.

Xaaladda degmada Jowhar ayaa saakay deggen, iyadoo goobihii uu dagaalku ka dhacay ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya