4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 24, 2013
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo ka Qayb-galay Xus Ballaaran oo loo sameeyey dhalashadii Nebi Muxamed (NNKH)

Khamiis, Jannaayo 24, 2013 (HOL) — Magaalada Hargeysa ayaa maanta si weyn looga xusay dhalashadii Nebigeenii Maxamed (NNKHA) oo ku began taariikhdda Hijriyadda 12-ka Rabiicul Awal 1434.

Munaasibadan oo si weyn loo soo agaasimay waxa ka soo qaybgalay madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Md: Cabdiraxmaan Saylici, gudoomiyaha golaha Wakiiladda Md:Cabdiraxmaan Cirro, madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland, Md: Axmed Yuusuf Yaasiin, culima udiin, xildhibaano labadda gole baarlamaan ka tirsan, Wariyaha caanka ah ee Axmed Xasan Cawke iyo dadweyne aad u faro badan.

Xafladan ayaa si qurux badan uga dhacday hoolka weyn ee hoteelka Maansoor ee magaladda Hargeysa, waxaana halkasi laga soo jeediyay muxaadarooyin ku saabsan taariikhdii nebiga iyo muxabaddii nabigeeni suubaanaa, sidoo kale waxa halkaasi qasiidooyin nabiga lagu amaanayo ka qaaday caruur aad u yaryar oo loo tobabaray amaanta nabigeena (NNKHA), Waxa kale oo maansooyin amaana iyo Siiraddii Nabigu ku kooban tahay ka soo jeediyey Awbaano ay ka mid yihiin Abwaan Weedhsame, Abwaan Maqaloocshe iyo Abwaan Dhako, kuwaas oo si weyn usoo jeediyey quluubta dadweynihii munaasibada joogtay.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md: Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici ayaa dadweynaha muslimka ah gaar ahaaan dadweynaha Reer Somaliland ku bogaadiyey farxada xuska maalinta uu dhashay Rasuulkeennii aynu jecleyn ee Maxamed Binu Cabdilaahi,waxaanay ilaahay  u baryey inuu inaga dhigo kuwa raacay jidkii suubanaa ee uu inoo jideeyey.

Xafladan ayaa qabsoomideeda waxa door weyn ka qaatay sanad walba soo qabanqaabiya xubno uu ka mid yahay Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ka mid ah golaha Wakiiladda Somaliland, kaas oo wacdi iyo jacaylka Rasuulka in la qabatimo sida loogu baahan yahay ka so jeediyey halkaasi, sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka soo jeediyey siiradii nabiga Wasiirkii hore Diinta iyo Aw qaafta Sheekh Maxamuud Suufi iyo culimo kale oo badan.

Sidooo kale, Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee Somaliland ayaa fasaxday shaqaalihii dawladda munaasibadda dhalashadda Nabigeeniii (NNKHA) oo ku beegan maanta.

Wasiirka Shaqadda iyo Arrimaha bulshadda Mr; Maxamuud Axmed Barre (Garaad) ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray fasaxa shaqaalaha munaasibadda dhalashadda nabigeeni kaas oo sheegay inay ku began tahay  khamiista oo taariikhda Hijriyadu tahay 12-ka Rabiicul Awal 1434 kuna beegan taariikhda miilaadiga 24.jan.2013.

Si kastaba ha ahaatee, sanadkan ayaa xuska dhalashadda Nabigeena waxa hal-ku-dheg looga dhigay Baro Nasabka Nabigeena (SCW).

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland