4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 24, 2013
Hay’ado Ilaaliya Xuquuqul Insaanka iyo Saxaafadda oo Dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay sii dayso Wariye iyo dad kale oo xiran

Khamiis, Jannaayo 24, 2013 (HOL) — Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa loogu baaqay inay si dhaqso ah kusii dayso wariye Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim iyo saddex qof oo kale kuwaasoo u xiran arrin la xiriirta haweeney sheegtay inay kufsi u geysteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

|
Hay’adaha Amnesty International, Human Rights Watch oo u dooda xuquuqul insaanka iyo hay’adda CPJ oo difaacda xuquuqda saxaafadda ayaa shalay oo Arbaco ku sheegay warsaxaafadeed ay soo saareen in dowladdu ay dhaqso xabsiga kaga sii dayso dadkan.

“Xukuumadda cusub ee Soomaaliya waxay sheegtay in ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo xorriyadda saxaafadda ay qayb ka tahay tiirarka ay dejiyeen si ay ugu dhaqmaan, balse waxaa u xiran wariye iyo dad kale oo baahiyay war ku saabsan kufsi,” ayuu yiri madaxa Afrika ee HRW, Daniel Bekele. Isagoo intaas ku daray: “Dowladdu waa inay sii dayso afarta qof ee u xiran ayna booliisku baaris ku sameeyaan xadgudubkaas dhinaca galmoodka ah.”

Haweeneyda dhibbanaha u ah kufsiga, Luul Cali Xasan, weriye Cabdicasiis Cabdinuur iyo laba qof oo saaxiibbo ay yihiin ayaa muddo laba toddobaad ku dhow ku jira xabsi ay boolliiska Somalia maamulaan oo ku yaalla Muqdisho iyagoo aan la xukumin.

Dowladda Soomaaliya ayaa laga dalbaday inay difaacdo suxufiyiinta iyo rayidka. Balse ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in warka ku saabsan kufsiga ay ciidamada dowladdu geysteen uu yahay mid been abuur ah.

“Natiijadii kasoo baxday baaritaan lagu sameeyay Luul oo sheegtay inay askar ka tirsan ciidamada dowladdu kufsadeen waxay caddenaysaa in sheekadaasi ay been tahay,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed.

Ugu dambeyn, hay’adaha saxaafadda ee Soomaaliya ka jira ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay sii dayso wariyey Ibraahim, Luul iyo labada qof ee xiran muddo laba toddobaad ku dhow iyagoo aan xukunnayn.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya