4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 23, 2013
Maamul-Goboleedka Khaatumo oo ka hadlay Dagaal shalay Ciidamadooda iyo kuwa Somaliland ku dhexmaray Xuddun

Arbaco, Jannaayo 23, 2013 (HOL) — Maamulka Khaatumo ayaa ka hadlay dagaallo khasaare nafeed geystay oo shalay ka dhacay deegaanka Xuddun oo dhinaca waqooyi 83-km kaga beegan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, waxayna labada dhinac dagaalkaas ka sheegteen guulo.

Taliyaha milateriga Somaliland, Jeneraal Shaqalle ayaa sheegay in dagaalka ay kaga dhaawacmeen laba askari, dhinacoodana ay qabsadeen gaadiidka dagaalka iyo maxaabiis.

Balse Madaxweyne ku xigeenka maamulka Khaatumo, Axmed Cilmi Cismaan "Axmed Karaash" oo maanta la hadlay saxaafadda ayaa sheegay inay kaga dhaawacmeen dhankooda laba askari oo mid ka mid ah uu aad u liito, ayna u geysteen dhinaca Somaliland khasaare ballaaran.

Axmed Karaash ayaa mar wax laga weydiiyay maxaabiista ay maamulka Somaliland sheegeen inay hayaan ayaa wuxuu ku tilmaamay arrintaas in ciidamada Somaliland laayeen dad shacab ah oo joogay tuulada Gorofley oo Bafri kaga beegan labaatameeyo kiiloo-mitir kaga began magaalada Xuddun.

Waxaa kaloo uu sheegay inay ka kaxaysteen xoolo dhaqato deegaanka lagu dagaalamay ku sugnaa iyo gaadiid shacab watay.

Wararka kasoo baxaya deegaannadda dagaalladu ka dhaceen ayaa sheegay inuu jiro khasaare soo gaarey dadka deegaankaas ku noolaa oo reer baadiye ahaa; iyadoo warbaahinta lasoo xiriiray odayaal ku sugan tuulada Gorofley oo ka cabanayay ciidamadda Somaliland.

Faarax Ducaale Saalax oo odayada deegaankaas afkooda ku hadlayay ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Somaliland ay soo galeen magaalada isla markaana ay rasaas la dhaceen dadkii halkaas ku sugnaa iyagoon u kala aabbo yeelin.

Sidoo kale, Faarax wuxuu sheegay inay dhinteen laba nin qaarna la kexeystay isla markaana laba baabuur oo mid qaadka keeni jiray ay tuulada ka kaxaysteen.

Khasaaraha soo gaaray dadka reer guuraaga ah ayaa intaas laga badinayaan iyadoo ay jiraan reero weli ku godoonsan meelaha lagu hardamayo ee u dhexeeya labada ciidan, iyadoo ay dad ku sugan dhulkii shalay dagaalladu saameeyeen ay sheegayaan dad mayd ah oo duurka yaalla aysanna garanayn cid ay yihiin.

Si kataba ha ahaatee, lama saadaalin karo dagaallada oo saameyn weyn ku yeeshay bulsho aad u tiro badan xilliga uu soo gaba-gabaysmi doono iyadoo marba marka ka dambaysana ay sii kordhayaan ciidamada lagu soo daad-guraynayo degmadaas.

Saynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool