4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 23, 2013
Shir-guddoonka Golaha Wakiiladda Somaliland oo si adag isaga difaacay eedo ay u soo jeediyeen xildhibaanno is-casilay

Arbaco, Jannaayo 23, 2013 (HOL) — Xildhibaanno ka mid ah guddi hoosaadka ilaalinta hantidda Qaranka ee golaha Wakiiladda Somaliland ayaa guddigaas iska casiley, isla markaana shir-gudoonka ku eedeeyey inay soo farog-eliyeen howlihii ay Qaranka u hayeen.

Xildhibaanadan oo ah afar xildhibaan ayaa sheegay in guddidoodda muddooyinkii dambe hawlaheedu gaabis ahaayeen ay ka shaqaysiiyeen si ay u ilaaliyaan hantidda qaranka, haseyeeshe markii ay hawsha bilaabeen shaqadoodii ay joojiyeen shirgudoonka, taasina ay keentay inay ka hor imanayso hawlihii ay qaranka u hayeen.

Haseyeeshee, waxa eedaasi iska leexiyey gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha Wakiilada Md: Baashe Maxamed Faarax oo sheegay in eedaasi waxba ka jirin, balse ay doonayaan inay isku bedelaan guddi hoosaadyada si xilalka ay hayaan loo kala bedelo, isla markaasna xubnahaasi si caadi ah iskaga casileen ka dib markii dhexdoodu khilaaf soo kala dhexgalay.

“Guddidu waxay ka kooban yihiin 9 xubnood, afar ka mid ah ayaa istiqaalad ka keenay inay guddigaasi ka baxaan, waxaana keenay khilaafaad guddida dhexdeeda jiray oo xildhibaanada qaarkood leeyihiin guddidii ma shaqeynayso, dalbadayna in guddida loo xoojiyo oo xildhibaano kale loo soo bedalo, sida sharcigu yahayna shir-guddoonka ayaa guddiyada isku bedbadala”ayuu ku dooday ku gudoomiye ku xigeenka golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax.

“Golahani waa golle Madax banaan, waana laba golle oo siman golaha xukuumadda iyo golaha wakiiladu markaa haddii guddidu yidhaahdeen ma wada shaqeyn karno shir-guddoonka ayay u taalaa inuu guddiyada isku badbedelo, waanuna ku tallo jirnaa, haddii xildhibaanadu iscasileena waa iska caadi oo guddiyada kale ayaa loo bedalayaa”ayuu yidhi Baashe mar wax laga waydiiyey  sida uu u arko inay isku milmaan golahooda iyo golaha xukuumadda.

Si kastaba ha ahaatee,  golaha Wakiiladda ayaa baryahan dambe dadweynuhu ku dhaliilaan inay isku milmeen xukuumaddii, iyadoo xeer kasta oo la keeno si duuduub ah loo ansixiyo taas oo ka hor imanaysa waajibaadkii ay ummadda u hayeen oo ahaa in laga doodo oo wax ka bedel
lagu sameeyo xeerarka ay soo diyaarsadaan xukuumaddu.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland