4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 23, 2013
Madaxweynaha Puntland: "Ictiraafka Maraykanku siiyay Soomaaliya waa guul u soo hoyatay Soomaaliya oo dhan"

Arbaco, Jannaayo 23, 2013 (HOL) — Wafdi uu horkacayay madaxweynaha Puntland oo maalmihii lasoo dhaafay booqasho ku joogey dalka Jabuuti ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxayna kasoo degeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

Wefdiga madaxweyne Faroole oo ay ku jiraan xubno ka tirsan golaha wasiirada ayaa waxaa garoonka si diiran ugu soo dhoweeyey mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Bari kan degmada Boosaaso iyo dadweyne tira badan.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole oo garoonka dhexdiisa si kooban war-baahinta ugula hadlay, ayaa ka warbixiyey ujeedada socdaalka ay dalka Jabuuti ku tageen iyo waxa uga soo qabsoomay.

Wuxuuna sheegay in ujeedada ugu weyni ay ahayd sidii ay dowladda iyo dadka Jabuuti ugaga soo tacsiyeyn lahaayeen geerida AHN gudoomiyihii hore ee Bankiga dhexe ee dalka Jabuuti oo 12-kii bishan ku geeriyoodey xarunta dalka Kenya ee Nairobi.

Madaxweyne Faroole ayaa intaas raaciyey in muddadii ay dalka Jabuuti ku sugnaayeen ay u suurtagashay in ay la kulmaan, madaxda sare ee Jabuuti iyo qaar kamid ah wakillada beesha caalamka u jooga halkaas.

Mar uu ka hadlayey aqoonsiga uu dhowaan maraykanku siiyey dowladda Federaalka ah, wuxuu tilmaamay in ay tahay guul usoo hoyatey umadda Soomaaliyeed oo dhan, islamarkaana ay horseedi doonto in wadammo kale oo badani ay ku daydaan.

Ugu danbeyntii wuxuu madaxweynaha Puntland tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii uu ifka kaga tegey AHN Xasan Daahir Maxamuud Af-qurac oo ahaa madaxweyne ku-xigeenki hore ee Puntland, kaasoo shalay ku geeriyoodey Isbitaal ku yaal magaalada Nairobi.

Waa safarkii ugu horeeyey ee uu madaxweynaha Puntland dalka dibaddiisa ugu baxo sanadka cusub ee 2013, wuxuuna kusooo aadayaa xilli weli xiisad siyaasadeed laga dareemayo gudaha Puntland; inkasta oo ay todobaadyadii ugu danbeeyey xaaladdu ahayd mid degen.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya