4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 23, 2013
Wasiirka Khayraadka Dalka oo Magaalada Istanbuul uga Qaybgalay shir looga hadlayay Deegaanka (SAWIRRO)


Arbaco, Jannaayo 23, 2013 (HOL) — Wasiirka wasaaradda Khayraadka dalka ee xukuumadda Soomaaliya, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa uga qaybgalay dalka Turkiga shir looga hadlayay deegaanka, isagoo halkaas ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa.

Shirkan oo socday laba maalmood 21-kii iyo 22-kii bishan Jannaayo ayaa waxaa si aad ah looga hadlay horumarinta deegaanka caalamka, iyadoo madaxdii ka hadlay ay diiradda saareen wax-soo-saarka beeraha, khayraadka dhulka ku jira iyo weliba biyaha.

Wasiirka oo ka mahadceliyay sida diirran ee loogu soo dhaweeyay dalka Turkiga ayaa intaas ku daray: “Labaatan sano kaddib Soomaaliya waxay hadda yeelatay dowlad rasmi ah, waxaana hor-yallaa fursado iyo howlo fara badan. Waxaan fahamsannahay in howlaha culus ee na horyaalla inay yihiin kuwii aan ku geli lahayn taariikhda, kuwaasoo kala ah: midnimada oo dib loo soo celiyo, kobcinta dhaqaalaha, sugidda ammaanka, dib u dhiska hay’adaha dowladda iyo barnaamijka dib loogu dhisayo dalka. Runtii, calaamadaha dib u soo kabashada dalka waxaa horay u dareemay shacabka Soomaaliyeed, iyadoo dad badan ay dib ugu laabteen dalka, gaar ahaan caasimadda, iyadoo uu dalka ka socdo dib u dhis xoog leh iyo dib u soo labaasho dhinaca dhaqaalaha ah.”

Mudane C/risaaq wuxuu intaas ku daray in dowladda Turkiga ay hormuud u tahay horumarka uu dalku ku socdo, kaddib markii uu bishii Ogoosto 2011 uu Muqdisho booqasho lama filaan ah ku tagay ra’iisul wasaaraha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan. Isagoo xusay in weli Soomaaliya ay ka jirto xaalad khatar ah. Isagoo xusay inay ku sugan yihiin dalka Soomaaliya dhakhaatiir iyo Injineerro Turki ah oo wax ka qabanaya dalka.

“Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dajiyay lix qodob markii la doortay, kuwaasoo udub dhexaad ah u ah howlaha ay dowladdu qabanayso, waxaana ka mid ah: ammaanka, kobcinta dhaqaalaha iyo dowlad wanaagga, iyadoo qodobbadan ay aad u soo dhaweeyeen dadka Soomaaliyeed iyo baarlamaankooda. Waxaan horumar ka sameynay dhinaca ammaanka taasoo horseedday inay kumannaan qof dib ugu soo laabtaan dalka,” ayuu wasiirku ku sheegay khudbaddii uu shirkaas ka jeediyay.

Mar uu ka hadlay horumarinta deegaanka Soomaaliya wuxuu sheegay inay dajiyeen qorshe looga hortagayo xaalufka deegaanka, isagoo xusay inay mid cad tahay in dhaqaalaha dalka uu ku xiran yahay khayraadka dabiiciga ah ee deegaanka, waxaana ka mid ah: beeraha, xoolaha nool iyo kalluumeysiga oo saldhig u ah dhaqaalaha shacabka Soomaaliyeed ay ku tiirsan yihiin.

Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa raaciyay in dagaalladii iyo sharci la’aantii jirtay labaatankii sano ee lasoo dhaafay waxay waxyeello xooggan u geystay deegaanka, kuwaasoo ay ka mid tahay sun lagu daadiyay xeebaha dalka oo saameyn ku yeelatay cunnada iyo caafimaadka. Wuxuua xusay in sidoo kale la dhirta laga dhigayay dhuxul dalka dibaddiisa loo dhoofiyo, taasoo xusay in loo dhoofin jiray dalal uu Imaaraadka ka mid yahay.

Wasiirka ayaa khudbaddiisa ku sheegay in wasaaraddiisu ay qorshe cusub u dejisay badbaadinta deegaanka iyo ka hortagga xaalufinta dhirta. isagoo ku daray hadalkiisa inay sameeyeen xog-ururin ku saabsan dhirta la jaray, taas oo ay nooga soo baxday inay saameyn xooggan ku yeelatay deegaanka. Wuxuuna xusay in wasaaraddu ay sidoo kale qorshaynayso inay furto iskuullo lagu barto badbaadinta deegaanka.

Dhanka kale, wasiirku wuxuu sheegay in wasaaraddiisu inay dajisay qorshe ay ku horumarinayso khayraadka dalka, isagoo xusay in qorshahoodu uu ka mid yahay inay dhiirrigeliso beeraha, maal-gashiga iyo suuq-geynta khayraadka dalka. Wuuxuu intaas ku daray in siyaasadaha deg-degga ah ee ay ka mid yihiin sidii loo heli lahaa biyo nadiif ah, horumarinta kalluumeysiga iyo dhaqashada xoolaha nool.

Ugu dambeyn, wasiirku wuxuu ka mahad-celiyay kulanka cajiibka ah ee uu kaga qaybgalay dalka Turkiga iyo sida loogu soo dhaweeyay, wuxuuna rajo weyn ka muujiyay in qodobbada shirkaas kasoo baxay ay noqon doonaan kuwo meel mara.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya