4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 23, 2013
Somaliland oo shaacisay in dalka Jabuuti uu Faraha kula jirto Arrimaha Saylac iyo Wafdi loo diiday inay galaan Dalka Jabuuti

Arbaco, Jannaayo 23, 2013 (HOL) — Wararka laga helayo degmada Saylac ayaa sheegaya in wafdiga wasiirrada ka kooban ee ka socda Somailland ay shaaca ka qaadeen in arrinta ka aloosan degmada Saylac ay faraha kula jirto dowladda Jabuuti.

Waftigani ayaa shalay la kulmay beesha Ciise iyagoo ku dadaallaya in la siiyo jagada guddoomiyaha degmada taasoo ay ku waayeen doorashadii dimuqraadiga ahayd ee ka dhacday deegaankaas, iyadoo beesha Ciise ay la timid shirka qorshe cusub oo wasiirrada laftigooda ka yaabiyay, beesha ayaa sheegtay in xildhibaannada Saylac tiradooda lagu daro afar xubnood oo kasoo jeeda beesha Ciise oo aan la dooran balse iyagu kasoo xulayaan beesha Mamaasan ee uu kasoo jeedo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, taasoo Somaliland kaga codsanayaan in lagu sharfo Jabuuti caro-tiridna looga dhigo.

Wasiirada ayaa arrintaas la yaabay go’aanka beesha Ciise, wasiirrada oo cagaha jiidaya ayaa haddana la kulmay xildhibaannada beesha aqlabiyada ku leh deegaanka Saylac ee Gadabuursi, waxayna la shirka la yimaadeen arrintii loosoo dhiibay iyagoo carabka calalinaya ayay soo bandhigeen, balse waa lagu gacan-sayray.

Intaa kaddib ayay wasiirrada iyo wafdigii waxay isku dayeen inay u baxaan dhinaca dalka Jabuuti, laakiinse markii ay xuduudda galeen ayaa waxaa joojiyay ciidamada ilaalada xadka Jabuuti waxay qaadatay in saacado badan doodi dhexmarto ugu dambeynna loo diiday inay galaan Jabuuti. Ciidamada Jabuuti ayaa u sheegay wasiirrada inaysan amar ka haysan dawlada Jabuuti isla markaana ay u sheegeen inay la xiriirayaan wasaarada arimaha gudaha Jabuuti, jawaabtuna waxay noqotay in wasiiradii Somaliland laga soo celiyo Jabuuti.

Wasiirrada ayaa kusoo laabtay degmada Saylac, iyagoo ka hadlayay sababtii keentay in dib looga soo celiyo Jabuuti, iyadoo aan la ogeyn go’aanka ay rasmi ahaan u qaadan doonaan wasiirrada iyo xukuumadooda Somailland.

Xaaladda degmada Saylac ayaa kacsan iyadoo laga baqdin qabo in degmadaas ay ka dhacaan dibadbaxyo salka ku haya soo celintii wasiirrada Somaliland laga soo celiyay xuduudda dalka Jabuuti.

Khadro Xasan Maax, Hiiraan Online
[email protected]
Boorame, Somaliland