4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 22, 2013
Xulka K/Kolayga Soomaaliya oo 81—78 uga badiyay xulka dalka Kenya


Talaado, January 22, 2013(HOL): Kooxaha Kubadda Kolayga dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo dalka Tanzania  uga qeybgelaya tartanka Fiba Zone V ayaa ciyaar labada kooxood maanta dhexmartay waxaa ku adkaaday xulka Kubadda Kolayga dalka Soomaaliya.

Ciyaar dhexmartay labada kooxood oo aad xiiso badneyd, isla markaana ay ka qeybgaleen daawashadeeda dadweyne aad u badan ayaa waxaa 81—78 ku adkaaday xulka dalka Soomaaliya oo ciyaar xirfaddeeda aad u heer sarreysa soo bandhigay.

 

Guddoomiyaha ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga Inj. C/qaadir Cali Geedi oo markii ay ciyaarta soo gebagebowday la hadlay TV-ga Universal ayaa sheegay in aad ugu faraxsan yihiin guusha Isboorti ee uu soo hooyay xulka Kubadda Kolayga Soomaaliya.

 


Inj. C/qaadir Geedi waxaa uu sheegay in xulka Kubadda Kolayga Soomaaliya ay ka kooban yihiin ciyaartoy ka kala yimid dalalka Mareykanka, Canada, Australia iyo Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in tayada ciyaartoyda Soomaaliyeed darteed ay rumeysan yihiin in ay guushaas keentay.

 

Qurba-joogta Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay Guddoomiyaha ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga Inj. C/qaadir Cali Geedi in ay dhiirrigeliyaan Isboortiga iyo ciyaartoyda Soomaaliyeed, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in Isboortiga Soomaaliya uu u baahan yahay taageero baaxad leh.

 

Xulka Qaranka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa waxay isku group yihiin Dalalka Kenya iyo Burundi, iyadoo ciyaarta tan xigtana uu xulka Soomaaliya la yeelan doono xulka Burundi.


 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]