4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 22, 2013
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo loo Caleemo Saaray inuu Afar sano oo kale xukumo dalka Mareykanka



Talaado, Jannaayo 22, 2013 (HOL) —Madaxweeyne Dalka Mareykanka Brack Obama ayaa xalay markale loo caleemo saaray xilka madaxtinimo ee dalka Mareeykanka, iyadoona xafladda caleemo-saarka ay kasoo qeybgaleen kumaannaan qof oo u dhalatay dalkaasi.

Munaasabaddan lagu caleemo saarayay madaxweeynaha dalka Mareeykanka ayaa ka dhacday fagaare weyn oo looo yaqaan National Park oo ku yaal magaalada Washington, waxaana madaxweeyne Obama halkaasi loogu dhaariyay xilka madaxtinimo ee dalkaasi,  iyadoona uu dhaariyay madaxa cadaaladda dalka Mareykanka John Roberts.

Madaxweeyaha ayaa dhaarinta kadib halkaasi ka jeediyay khudbad dheer oo uu uga hadlay arimo kala duwan, wuxuuna madaxweeynuhu ballanqaaday in uu ilaalin doono dastuurka dalkaasi.

Madaxweeynaha ayaa sidoo kale ka hadlay siyaasadda arimaha dibadda, dadka sida sharci darrada ah kusoo gala dalkaasi iyo weliba arimo kale oo la xiriira horumarka iyo siyaasadda dalkaasi.

Munaasabadda dhaarinta madaxweeynaha ayaa kusoo aaday maalin siweyn dalka mareeykanka looga xuso Martin Luther King oo ahaa nin u ololeeyn jiray xuquuqul insaanka.

 Munaasabadda dhaarinta madaxweeynaha ayaa la sheegay in ay kasoo qeybgaleen dad lagu qiyaasay (800,000) sideed boqol oo kun oo qof kuwaasoo goobta u yimid si ay u daawadaan qaabka ay u dhaceyso xafladda dhaarinta iyo weliba khudbadda madaxdweeynaha, waxaana siweyn loo adkeeyay ammaanka goobta ay munaasabadua ka dhaceysay.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya