4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 21, 2013
Maamulka Khaatumo oo soo dhaweeyay Aqoonsigii ay Dowladda Mareykanku siisay Dowladda Federaalka Soomaaliya

Isniin, Jannaayo 21, 2013 (HOL) — Madaxweynaha maamul-goboleedka Khaatumo, Maxamed Jaamac Yuusuf  (Indha-sheel) ayaa shir jaraa`id oo uu maanta ku qabtay magaalada Buuhoodle wuxuu ku taageeray aqoonsiga buuxa ee dowladda Mareykanku ay siisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Indha-Sheel wuxuu ku tilmaamay in aqoonsigan uu ku yimid horumarka ay dowladda federaalku ka sameysay kuwaasoo uu sheegay inay kasoo billowdeen shirkii madax-dhaqameedku ku yeesheen magaalada Muqdisho kaasoo ugu dambeyn lagu dhisay dowladda federaalka Soomaaliya ee hadda xilka haysa.

Madaxweynaha Khaatumo wuxuu baaq u soo jeediyay dowlada Soomaaliya oo uu ka codsaday inaan lagu mashquulin caasimadda Muqdisho iyo goobaha ku dhow oo keliya; balse maamulka la gaarsiiyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Indha-sheel wuxuu ugu baaqay maamulka Somaliland inay ka waantoobaan kala goynta dalka Soomaaliya. Iyadoo la xusuusto in Somaliland ay ku dhawaaqday inay aad uga xun tahay aqoonsiga Mareykanka ee dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Khaatummo wuxuu si kooban uga hadlay maamul u samaynta deegaannada uu maamulkoodu ka tarliyo isagoo xusay inay u dhiman yihiin deegaanno yaryar ayna dhawaan soo afjari doonaan, isagoo bulshada deegaannadaas ku nool ugu baaqay inay ka shaqeeyaan ammaanka iyo horumarka deegaannadooda.

Si kastaba ha ahaatee, taageerada maamulka Khaatumo ee aqoonsiga Mareykanka uu siiyay dowladda Soomaaliya ayaa ahayd mid la filayay,  maadaama ay mar kasta ku dooda in dalku uusan kala go’i karin, halka ay colaad baahsani ka dhex-taagan tahay maamulka Somaliland oo isaguna u ooman mar inay arkaan kala qeybsanaantii Soomaaliya ka hor 1960-kii.

Saynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool