4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 21, 2013
Xildhibaan Baar Siciid oo Dhaliishay xeer cusub oo ay sameysay Wasaaradda Duulista Hawadda Somaliland



Isniin, Jannaayo 21, 2013 (HOL) — Golaha Wakiiladda ayaa loo qaybiyey xeerka takaalifta madaaradda oo si weyn uga qayliyeen xildhibaanadda golaha Wakiiladda.

Xeerkan adeega madaaradda Somaliland, ayaa buuq iyo muran ka dhex abuuray golaha Wakiiladda waxaana xildhibaanadda sida weyn uga soo horjeedda ka mid ah xildhibaan Baar Siciid oo si adag uga dayrisay xeerkan iyo saameynta uu ku yeelanayo dadweynaha ka soo dega madaaradda.

Xildhibaan Baar Siciid oo ah gabadha kaliya ee golahaasi ku jirta ayaa xeerkan iyo habka uu cashuurta uga qaadayo Wasiirka Duulista Hawadda Maxamuud Xaashi Cabdi dadweynaha adeegsada madaarada ku tilmaamtay mid xaaraan ah oo aanay marna ogolaanayn in xeerkaasi ay ansixiso.

“Xeerkan waxaan  u arkaa mid xaaran ah oo lagu boobayo shacabka reer Somaliland, iyo shacabka kale ee dalka imanaya ee cidday doontaba leh ee doonaya inay dalka maalgashadaan iyo kuwa dalxiiska ku imanayaba waa xeer lidi ku ah ”ayey tidhi xildhibaan Baar Siciid oo ka soo horjeedda xeer cusub oo cashuur lagaga qaadayo dadka soo degaya ama ka dhoofaya madaaradda.

Xildhibaan Baar oo ka hadlaya  waxa uu kaga duwan yahay xeerarka kale xeerkani ayaa tidhi “Sanad kasta badhtankiisa  ama sanad miisaaniyadeeda waxa ummada lagu kordhiyaa lacag, waxa ku kordhiya dad aan xaq u lahayn inay lacagta qaadaan, lacagta waxa dawlad masuul uga ah wasaarada Maaliyada cidi kale ee lacag qaada waa xaaraan qofkasta oo soo dega waxa laga qaadayaa 78 dollar, lacagtaasi marka aad ku dhufato reeraha xaaska ah ee wakhtiga kulaylaha ah Yurub ku soo baxaya toban qof oo aad isku celceliso waxa weeyi sideed boqol oo dollar, marka ma qaadi karaan dadka shacabka ahi waana xaaraan ee ha laga digtoonaadaan, xildhibaanada waxaan usoo jeedinaya ummadda ayaad masuul ka tihiin, hadaad masuuliyadiina gabtaan wuu idin arkayaa, haddii aad u shaqaysanaa waa la idin arkayaa ilaahayna wuu idin arkayaa  dhaartiina xasuustaa wadanka boob ayaa ka socda.”

Mar ay ka hadlaysay haddii xeerka la ansixiyo oo lagaga codbato, waxay tidhi  “Xalaal ma noqonayo ee xaaraan xaaraan lagu ansixiyey ayuu noqonayaa, ninka ansixiya waa nasiibkii oo kolay anigu ma ansixinayo haddii inta kale ansixisana anigu waan diidaya waxana u tudhayaa dadka shacabka ah, ilaahay baa wax na siiya oo camankayaga wax ku guro, lacag ma rabno laaluushna ma rabno ummada ayaa na soo dooratay oo aanu difaacaynaa, haddii aan kaligay soo hadho waan diidaya oo ma ogoli xeerkaasi xaaraanta ah ee dadka lagu dulmiyeyo”.

Sdoo kale waxay wasiirka Duulista ku eedaysay inuu lacag aan sharciga waafaqsnayn ka qaadayo dadka taas oo dalka iyo dadkaba u fiicnayn, waxaanay usoo jeedisay inuu ka laabtaasi hab dhaqankaasi aan fiicneyn “ lacagta waxa ka horeeya in sharciga loo doonto, dalka waan qirayaa inay baahi ka jirto, baahi farsamo ka jirto, in wasaaradu lacag u baahan karto, laakiin waxa ka horeeya in la Xalaashado ayaa ka horaysa, lacagna cid aan wasaarada maaliyada ahayni inay lacag samaysato oo ay urursato oo qasnadeeda ku dhacdo maaha, waxaan leeyahay lacagtaasi waa lacag xaraan ah oo ummada ayaa lagu boobaya, marka xildhibaanada waxaan leeyahay ummadii idin soo dooratay way idin aragtaa”ayey tidhi Xildhibaan Baar Siciid oo qaar ka mid ah warbaahinta u waramaysay.

Si kastaba ha ahaatee, xeerkan adeega madaaradda ayaa ah xeer loo samaynayo madaarada oo dadka soo degaya iyo kuwa ka dhoofayey lacag laga qaadayo, taas oo dib loo gelin doono madaaradda, isla markaana amnigooda lagu sugi doono, haseyeeshee waxa cashuurtaasi cusub ka biyo diiday xildhibaandda qaarkood oo sheegay inay dadweynaha adeegsada madaaradda ku adag tahay, halka xildhibaano kalena ay xuseen in xeerkan loo baahan yahay oo uu la mid yahay qaabka madaarada caalamiga ahi u shaqeeyaan, isla markaana adeega looga baahnaa madaarada qayb ka qaadanayo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland